Hargeysa: Xisbiga UCID oo Ganafka ku dhuftay Kalsooni Darrada ay Xisbiga WADDANI ka muujiyeen Komishanka Dorashooyinka

0
Thursday March 22, 2018 - 12:42:35 in by salman abdi
  • Visits: 540
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargeysa: Xisbiga UCID oo Ganafka ku dhuftay Kalsooni Darrada ay Xisbiga WADDANI ka muujiyeen Komishanka Dorashooyinka

    Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay go'aan uu maanta xisbiga WADDANI kalsoonida kagala laabtay komishanka doorashooyinka qaranka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay go'aan uu maanta xisbiga WADDANI kalsoonida kagala laabtay komishanka doorashooyinka qaranka.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa waxa uu sheegay in go’aan xisbigga WADDANI uu sabab u noqonayo dib u dhac ku yimaada doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka oo la qorsheeyay inay dalka ka dhacaan sannadka 2019-ka.

Waxa uu sheegay in xilligan arrinkaasi sababayso dib u dhac doorashooyinka iyo khilaaf guddaha ah ” xubinta idinku jirta soo bedesha haddii aad saluugteen, laakiin Guddida inta kale way shaqaynaysaa,” Sidaas ayuu yidhi Eng Faysal Cali Waraabe oo u jawaabaya guddoomiye Cirro.

Hoggaamiyaha xisbiga Waddani Dr Cabdiraxmaan Cirro ayaa shir jaraa’id oo uu Hargeysa ku qabtay ku sheegay in aanay kalsooni ku qabin guddida doorashada, islamarkaana uu madaxweyne Biixi u gudbiyay warqad ay ku dalbadeen in la kala diro. 

waxa uu Guddomiye Cirro sababta ku sheegay in aay guddidaasi ku fashilantay doorashadii madaxtooyada ee sanadkii hore, islamarkaana aanay kalsooni dambe ku qabi karin.