Mareykanka oo qorsheynaya inuu cunna-qabateyn saaro Shiinaha

0
Thursday March 22, 2018 - 14:05:20 in by salman abdi
  • Visits: 578
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka oo qorsheynaya inuu cunna-qabateyn saaro Shiinaha

    Maamulka Trump ayaa qorsheynaya inuu maanta ku dhawaaqo cunna-qabateyn ka dhan ah Shiinaha, kaddib markii uu u arkay in dalkaasi uu dhiirrigelinayo xatooyada iyo minguurinta ganacsiyada Mareykanka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Trump ayaa qorsheynaya inuu maanta ku dhawaaqo cunna-qabateyn ka dhan ah Shiinaha, kaddib markii uu u arkay in dalkaasi uu dhiirrigelinayo xatooyada iyo minguurinta ganacsiyada Mareykanka

.

Aqalka Cad ayaa sheegay in tallaabadan ay imaaneyso kaddib sanado ay ka wada hadlayeen arrintan, taas oo aysan waxba ka miro-dhalin.

Cunna-qabateynta ayaa la filayaa inay ku jirto canshuurta iyo weliba kuwo kale.

Qorshaha Mareykanka ayaa laga cabsi qabaa inuu horseedo dagaal ba`an oo dhanka ganacsiga ah.

Aqalka Cad ayaa lagu soo warramayaa inuu Shiinaha ku soo rogo canshuur dhan $30bn-$60bn iyo weliba tallaabooyin kale oo xayiri doona maalgashiga.

Mareykanka ayaa sidoo kale doonaya inuu cabasho u gudbiyo Ururka Caalamiga ah ee Ganacsiga.

Wuxuu Mareykanku helay caddeymo ah in Shiinuhu uu Mareykanku ku yeelanayo warshado muhiim ah, iyo inuu fuliyo uuna taageero weerarrada dhanka Internetka ah.

Xogtan ayaa lagu helay baaritaan lagu sameeyay dhaqanka Shiinaha, taas oo uu madaxweyne Trump amray bishii August.

Tallaabadani taageero buuxda maka haysataa gudaha Mareykanka?

Waxaa Mareykanka ka jira walaac isa soo taraya oo ku aaddan in Shiinaha uu doonayo tiknolojiyad loo abuuro dano milatari awgood.

Congress-ka ayaa isaguna qorsheynaya sharci sare u qaadi kara awoodda ay dowladdu dib ugu eegeyso heshiisyada ganacsiyada ajaanibta.

Balse siyaasiyiinta qaar, warshadaha iyo ganacsatada ayaa walaac ka muujiyay in tallaabadaasi ay aargoosi ka dhalato.

Muxuu Shiinuhu leeyahay?

Shiinaha ayaa sheegay in cidna aysan ku guuleysaneynin dagaal ganacsi.

Talaadadii, raysal wasaaraha Shiinaha Le Keqiang ayaa sheegay inuu rajeynayo in labada dhinacba ay xaaladda dejiyaan.

Wuxuu sidoo kale sheegay inuu rajeynayo in Mareykanku uu fududeyn doono xayiraadaha uu saaray waxyaabaha uu u dhoofiyo Shiinaha.