Muqdisho: Qarax Weyn oo Gilgilay Muqdisho +Dhimashada iyo Dhaawac Tiro badan oo ka dhashay

0
Thursday March 22, 2018 - 19:28:52 in by salman abdi
  • Visits: 651
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muqdisho: Qarax Weyn oo Gilgilay Muqdisho +Dhimashada iyo Dhaawac Tiro badan oo ka dhashay

    Weerar loo adeegsaday gaadhi walxaha qarxa lagu soo raray ayaa galabta ka dhacay nawaaxiga hotelka Weheliye ee magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weerar loo adeegsaday gaadhi walxaha qarxa lagu soo raray ayaa galabta ka dhacay nawaaxiga hotelka Weheliye ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa laga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir waxaana ku dhintay ilaa 14 qof sida telefishanka Aljazeera baahiyay.

Qaraxa kaddib ayaa la maqlay rasaas ay ridayeen ciidamada amaanka dowladda Soomaaliya, oo ka agdhawan goobta, iyaga oo markii danbe xidhay halka uu qaraxu ka dhacay.

Daawo Sawirrada Qarax Muqdisho Gilgilay Oo 14 qof Ku DhimatayDaawo Sawirrada Qarax Muqdisho Gilgilay Oo 14 qof Ku DhimatayDaawo Sawirrada Qarax Muqdisho Gilgilay Oo 14 qof Ku DhimatayDaawo Sawirrada Qarax Muqdisho Gilgilay Oo 14 qof Ku DhimatayDaawo Sawirrada Qarax Muqdisho Gilgilay Oo 14 qof Ku Dhimatay

Gadiidka gurmadka deg degga ayaa gaadhay goobta, ilaa iyo haddana lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Qaraxa.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in qaraxu goob mashquul ah ka dhacay, islamarkaana ay jiraan khasaare naf iyo maal ah waxaanu sheegay afhayeen wasaaradda arrimaha gudaha u hadlay in ay ilaa 10 qof dhaawac yihiin.

Weerarka waxa sheegtay kooxda Alshabaab sida ay baahisay Reuters oo soo xigatay afhayeenka hawlgallada Alshabaab.



Isha ku hay Afkashacabka.com