Somaliya:-Aqalka Sare oo dalbaday in loo keeno ciidamo Amisom oo amniga suga

0
Saturday March 24, 2018 - 14:08:13 in by salman abdi
  • Visits: 519
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliya:-Aqalka Sare oo dalbaday in loo keeno ciidamo Amisom oo amniga suga

    Golaha Aqalka Sare ee dalka ayaa dalbaday ciidamo Amisom ah inay sugaan ammaanka xaruntaasi, kadib markii maanta uu hadalkaasi sheegay Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Golaha Aqalka Sare ee dalka ayaa dalbaday ciidamo Amisom ah inay sugaan ammaanka xaruntaasi, kadib markii maanta uu hadalkaasi sheegay Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Gudoomiyaha Aqalka Sare ee dalka Cabdi Xaashi, ayaa sheegay in Amisom ay u qoreen qoraal ay ku dalbanayeen in ciidamo la keeno Xarunta Aqalka Sare. 



Wuxuu sheegay qoraalkaasi Amisom inuu gaaray, ayna rajeynayaan in ciidamada Amisom la keeno Xarunta Golaha Aqalka Sare oo hadda ay illaaliyaan amnigiisa ciidamada dowladda. 

"Waxa weeye arrintaasi muddo dheer ayeey socotay Aqalkani, go’aan ayuu ka gaadhay uu leeyahay waa in la keenaa Amisom, qoraal baan u qornay Amisom waan sugeynaa arrintaasi, kolkaa waxa weeyen aqalkaan waa la keeni doonaa.” Ayuu yiri Cabdi Xaashi. 

Tani ayaa muujinaysa in xubnaha madaxda Somalida aysan ku qanacsaneyn ciidamada Somalida taa bedelkeedana ay ka jecel yihiin amnigooda inay sugaan ciidamada Amisom. 

Amisom ayaa hadda waxa ay sugtaa ammaanka xarumaha waaweyn, sida Madaxtooyadda, Golaha Shacabka, Dakadda iyo Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho, liiskaan waxaa ku soo biiri doonaa haddii Amisom ay aqbasho xarunta Golaha Shacabka.