Hargaysa:-Ma Dhabaa In Cali Waran Cade Laga Soo Dhigay Gaadhi Aanay Xabadu Karin Oo Uu Kala Hadhay Xukuumaddii Daahir Riyaale, Maxayse Xukuumadda Muuse Biixi Ugu Badeshay?

0
Saturday March 24, 2018 - 14:20:00 in by salman abdi
  • Visits: 633
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargaysa:-Ma Dhabaa In Cali Waran Cade Laga Soo Dhigay Gaadhi Aanay Xabadu Karin Oo Uu Kala Hadhay Xukuumaddii Daahir Riyaale, Maxayse Xukuumadda Muuse Biixi Ugu Badeshay?

    Warar lagu kalsoon yahay oo Wargeyska Foore soo gaadhay ayaa shaaca ka qaaday in gaadhi aan xabadu Karin oo uu muddo dheer gacanta ku hayay Wasiirkii hore wasaaradda Arimaha Gudaha Xukuumaddii hore ee Siilaanyo, Cali Maxamed Warancade oo uu kala hadh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar lagu kalsoon yahay oo Wargeyska Foore soo gaadhay ayaa shaaca ka qaaday in gaadhi aan xabadu Karin oo uu muddo dheer gacanta ku hayay Wasiirkii hore wasaaradda Arimaha Gudaha Xukuumaddii hore ee Siilaanyo, Cali Maxamed Warancade oo uu kala hadhay Dawladii Daahir Riyaale ee Dalka ka talinaysay,202-dii illaa 2010-kii ay Xukuumaddani Cusubi dhawaan ka soo dhigtay.



Sida ay noo xaqiijiyeen Illo-Wareedyo u dhuun daloola arintani waxa gaadhigaasi aanay Xabadu Karin oo noociisu ahaa lankurusar 1H –ah ee uu Warancade mudada dheer gurigiisa ku haystay ay Xukuumaddani Cusub sida la sheegay ugu badeshay gaadhi V-8 ah oo lancruiser ah oo wararka qaar ay sheegayaan inuu ka mid ahaa gaadiidkii uu wadan jiray ama isticmaali jiray Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Siilaanyo,iyadoo sida warkani nagu soo gaadhay uu gaadhigaasi Cali Waran Cade laga soo dhigay uu hadda ka mid yahay Gadiidka Madaxtooyadu sida gaarka ah u isticmaasho ee Gudaha Madaxtooyadda Yaala.
Inkasta oo aanay si rasmi ah madaxtooyaddu uga hadal Gaadhigani haddana sida ay Wararku sheegayaan waxa ay madaxtooyaddu Cali Waran Cade ka dalbatay inuu gaadhigaasi gacanta Dawlada ku soo celiyo islamarkaana uu badel u qaato gaadhi V8-ah oo ka mid ah saddexdii gaadhi ee uu ka tagay Madaxweynihii hore.Warar kale ayaa sheegaya in Cali Waran Cade iskii u gartay inuu gaadhigaasi dawlada u soo gacan galiyo maadaama oo uu ka mid yahay Hantida Dawladda islamarkaana uu uga baahan yahay inuu si gaar ah u illaaliyo maadaama oo uu gaadhigaasi ka mid yahay gaadiidka loogu talo galay in amaanka Madaxda lagu ilaaliyo.