Danjire Cawil Oo Ka Hadlay Hogaamiyaha Cusub Ee Ethiopia Iyo Dacwada Ay Somalia Ka Gudbiyasay Saldhiga Berbera.
Danjire Cawil Oo Ka Hadlay Hogaamiyaha Cusub Ee Ethiopia Iyo Dacwada Ay Somalia Ka Gudbiyasay Saldhiga Berbera.
La taliyaha madaxweynaha Somaliland ee wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya Danjire
Xuseen Cali Ducaale (Cawil) ayaa ka hadlay doorashada Dr. Abiy Axmed loo doorty hoggaamiyaha xisbiga EPRDF ee
Itoobiya taas oo ka dhigaysa inuu noqdo raysalwasaaraha cusub ee Itoobiya marka lagu hordhaariyo baarlamaanka
dalkaas.
Danjire Cawil, oo isagoo jooga Hargeysa u waramay Geeska Afrika, wuxuu sheegay inay Somaliland soo dhawaynyso
doorashada Dr. Abiy oo uu ku tilmaamay nin xogogaal ah oo ku dhowa Meles Zenawi oo saaxiib la ahaa Somalilnd,
"Marka koowaad waanu bogaadinaynaa Dr. Abiy inuu noqdo hoggaamiyaha cusub ee Itoobiya, Somaliland way soo
dhawaynaysaa doorashdiisa. Dr. Abiy waa siyaasi aad ugu dhawaa Meles Zenawi lana wadaagy niyadsamidii
uu Meles u hayay Somaliland, waxaanan rajaynayaa inuu sii xoogaysto xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya, waxaanan hubaa inay si dhow
danaha labada wadan ee Itoobiya iyo Somaliland uga wada shaqayn doonaan Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Dr. Abiy Axmed.” sidaas
ayuu yidhi Danjire Cawil, waxaanu intaas raaciyay, "Dr. Abiy wuxuu ka soo jeeda qoomiyada Oromada oo ay Somaliland cid walb isaga
dhowyihiin. Waxaan xasuustaa sida qalbi wanaaga leh ee ay madaxda Oromada ee heer federaal iyo heer gobal noo soo dhawayn jireen
markaanu booqano. Madaxweynihii hore ee Itoobiya oo ka soo jeeday qoomiyada Oromada ayaa igu yidhi Marxuum Cigaal waxaanu
saaxiibnay afartan sannadood ka hor. Waxa kaloon xasuustaa markaanu booqano kililka oromada sida ay noo soo dhawayn jireen.
Madaxweynihii hore ee kililka oromada oo hadda ah guddoomiyaha Baarlamaanka federaalka Itoobiya iyo wasiiradiisu waxay nagu qaabili
jireen qalbi furan markaanu dhulkooda booqano, ragga kale een xasuusto qalbi wanaagooda waxa ka mid ah Dr. Suufiyaan Axmed oo
ahaan jiray wasiirka maaliyadda. Markaas waxaan qabaa in Dr Abiy iyo Madaxweyne Muuse ay sii xoojin doonaan xidhiidhka Somaliland
iyo Itoobiya, waxaanay Somaliland u aragtaa Itoobiy iyo madaxdeedaba saaxiib gaar ah.”
Danjire Cawil, wuxuu Geeska Afrika weydiiyay siduu u arko dacwadda ay dawladda Soomaaliya gaadhsiisay golaha
ammaanka Qaramada Midoobay ee ka dhanka ah saldhiga UAE ee Berbera iyo weliba dagaalada diblomaasiyadeed
ee ay ku hayso maalgashiga dekedda Berbera, waxaanu yidhi "Tan dacwdda ee Soomaaliya; maaha wax layaab leh
waayo mar walba Soomaaliya waxay inagu haysaa colaad iyo xumaan oo waxay didanyihiin horumarkeena. Laakiin
Soomaaliya isuma cusbin hore ayaan dagaalo kala duwan oo diblomaasiyadeed iyo kuwo kaleba ugu kala calaf
qaadnay, dagaalkoodan maantuna kama duwana kuwii hore, itaalkooduna wuxuu ku soo urururay waraaqo ay
qoraan, annaguna ka dawlad ahaan waraaqahaas kuwo la mid ah oo laga yaabo inay kaba horeeyeen ayaanu
gudbinaa, waraaqahaas ay qoraana maaha wax horumarkeena iyo geediga aynu ku jirno saamayn ku yeelanaya, mar
walba waynu ka guulaysanaynaa wax qiime ah oo ay waraaqahoodu leeyihiin ma jiro, waana xumaantii lagu
yaqaanay.”
Danjire Cawil Oo Ka Hadlay Hogaamiyaha Cusub Ee Ethiopia Iyo Dacwada Ay Somalia Ka Gudbiyasay Saldhiga Berbera.
Danjire Cawil Oo Ka Hadlay Hogaamiyaha Cusub Ee Ethiopia Iyo Dacwada Ay Somalia Ka Gudbiyasay Saldhiga Berbera.