Wasaaradda Arrimaha Guduha iyo Taliska Booliisku Wuxuu Ugaadhsi ku hayaa Dhalinyarada Degmooyinka Caynaba, Gar'adag, iyo Ceerigaabo. W/Q: Maxamed Aadan Tarabbi

0
Friday March 30, 2018 - 13:03:00 in by salman abdi
  • Visits: 1299
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda Arrimaha Guduha iyo Taliska Booliisku Wuxuu Ugaadhsi ku hayaa Dhalinyarada Degmooyinka Caynaba, Gar'adag, iyo Ceerigaabo. W/Q: Maxamed Aadan Tarabbi

    Wasaaradda Arrimaha Guduha iyo Taliska Booliisku Wuxuu Ugaadhsi ku hayaa Dhalinyarada Degmooyinka Caynaba, Gar'adag, iyo Ceerigaabo. W/Q: Maxamed Aadan Tarabbi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda Arrimaha Guduha iyo Taliska Booliisku Wuxuu Ugaadhsi ku hayaa Dhalinyarada Degmooyinka Caynaba, Gar'adag, iyo Ceerigaabo. W/Q: Maxamed Aadan Tarabbi

September: 16-2017waxa Zamzam Cabdi Aadan ay xidhay wariye Maxamed Dirir iyadoo loo xidhay sifo shaqsi ah oo ay cunfi iyo qabyaaladi ku jirto. Waxa dalka jooga kuwo aan aaminsanayn qarannimada Soomaalilaan oo halis ku ah jiritaanka ummadda oo suxufiyiin ah oo la yaqaanno magacyadooda iyo muuqooda ciqaabta iyo gacanta arxanka daran ee Maxamed Dirir ku dhacday wali kuwaas kumay dhicin.

February 8 2018: Maxamed Keyse Maxamuud waxa lagu xidhay inuu Facebook ku qoray qoraal kooban oo u dhigan sidatan " Muuse waa madaxweyne Local ah”
Dastuurka Soomaalilaan ayaa u dammaanad qaadaya Maxamed Keyse inuu dhaliilo, muddaharaado salmi ah iyo farshaxan kasta ku cabbiri karo fikirkiisa.

Bal xasuustaada dib u celi shalay markuu Cali Guray Hargeysa ka lahaa " Saleebaan waa Waslad Xaaraan ah oo Soomaalilaan ku taalla” Saleebaanka uu sheegayaa waa Guddoomiyaha Guurtida Soomaalilaan. Laguma xidhin, laguma dacweyn, xaalna lama weydiin. Ma dadkaa dadka ka wacan ma sharci gaara oo aynaan aqoon ayaa la inagu xukumaa, mise Maxamed Keyse uu idinla misko yaraaday. Halka Cabdicasiis Aadan Jalawo lagu xidhay fikir iyo dood uu warbaahinta maxalliga ah u mariyey Madaxweynaha. Ma aragno cid sidaa loogu xidhay afkaartooda, laakiin waxaan aragnaa doodo warbaahinta ka socda oo aan haba yaraatee cidna loo xidhin.

ASLI MAYDI oo ay leeyihiin dhalinyaro ka ganacsada GEEDKA BEEYADA ee Soomaalilaan ayaa mu’ammarad iyo qabyaalad lagu hayaa waxaana ku haya masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Soomaaliaan, sidaynu ognahay Geedkani kama baxo meel kasta waxa uu ka baxaa dhul gaara ASLI MAYDI iyo maamulkeeduna waa dadkii beeraha ugu badan lahaa. Laakiin nasiib darro waxa si cad la isaga hortaagay inay maalgashadaan dhulkooda iyo beerahooda. Waxa dil loogu hanjabay haweynaydii Maraykanka ahayd ee la shaqaynaysay ASLI MAYDI. Wasaaradda Arrimaha GUDUHU illaa iyo hadda may qaadin tallaabo ku habboon.

Haddii aan nabadgalyada iyo wadajirka la ilaalin dalku fawdo ayuu noqonayaa fawdadana dan kama laha Maxamed Kaahin iyo Muuse Biixi waayo labaduba waa Itoobiyaan oo geeloodu wuxuu daaqaa Gawlalaale iyo Xarshin. Dhaliyaradan la caddibayo waa kuwa dhulka dega inta ugu badan, waa kuwa aabbayaashood aan cidi ugu iman jihada bari ee kaligood xoreeyey. Waa kuwa haddii xabbadi dhacdo ay ugu hor saamayso. Waa lafdhabarta nabadgalyada oo nabad iyo sharaf waxa ugu filan Berbera illaa XIIS oo ammaan ah iyo BURCO illaa Ceerigaabo oo nabad lagu maro.

Ugu danbayn Muuse Biixi waxaan u sheegayaa ma aqbali karno dhacdooyinkan foosha xun haddii uu wax ka qaban waayana waxaan u arki doonnaa nin aan dalka u tudhayn.

W/Q:Maxamed Aadan Tarabbi