Caalamka:-Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ganaax dul dhigay shirkado hareermaray cunaqabateynta saaran K/waqooyi

0
Saturday March 31, 2018 - 09:16:24 in by salman abdi
  • Visits: 586
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Caalamka:-Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo ganaax dul dhigay shirkado hareermaray cunaqabateynta saaran K/waqooyi

    Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ganaaxii ugu weyn abid waxa ay dul dhigtay shirkado uu goluhu ku eedayay in Kuuriyada Waqooyi ay ka caawiyeen inay hareermarto cunaqabateynta caalamiga ah ee la saaray.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ganaaxii ugu weyn abid waxa ay dul dhigtay shirkado uu goluhu ku eedayay in Kuuriyada Waqooyi ay ka caawiyeen inay hareermarto cunaqabateynta caalamiga ah ee la saaray.


21 shirkadood oo ah shirkadaha ku shaqeysta maraakiibta ayaa waxaa liiska madow loo gelin doonaa dowrkii ay ka ciyaareen gacantii ay Pyongyang ka siiyeen sidii ay ku sii wadi laheyd soo dhoofsashada sharci-darrada ah ee saliidda iyo iibinta dhuxusha.

27 markab ayaa sidoo kale la magacaabay iyo hal shakhsi kaas oo magaciisa lagu sheegay Tsang Yung Yuan, oo ah ganacsade lagu eedeeyay inuu iskuduba ridayay rarista dhuxusha Waqooyiga isagoo sii maraya dilaal saldhiggiisu yahay Ruushka.

Safiirka Mareykanka u fadhiya Qaramada Midoobay, Nikki Haley, ayaa sheegtay in tallaabooyinka la qaaday ay farriin cad u tahay in beesha caalamka ay u midaysan tahay sida ay uga go'an tahay inay sii waddo cadaadiska ay ku hayso Kuuriyada Waqooyi.