Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan oo socdaal labo todobaad ah ku maraya wadanka Maraykanka ayaa la sheegay inuu kulan la yeeshay qaar kamid ah ururada iyo kooxaha xagjirka ah ee Yuhuuda Maraykanka ee u ololeeya Israel.
Maxamed Bin Salmaan ayaa qaabilay xubno sar sare oo ka socda sadexda urur ee Yuhuuda Maraykanka ee taageera maamulka Israel, kuwaasi oo kala ah; AIPAC, Stand Up for Israel (ADL) iyo Jewish Federations of North America (JFNA).
Kulamadan dhexmaray Maxamed Bin Salmaan iyo kooxaha sida weyn ugu ololeeya dhul boobka Yuhuuda ku hayaan dhulka Falastiin ayaa muujineysa xiriirka soo hagaagaya ee u dhaxeeya Boqortooyada Sacuudiga & Israel.
Todobaadkan ayey dowlada Sacuudiga markii ugu horeysay taariikhda ay u ogolaatay inay hawadeeda u furto duulimaadyada u socda dhulka Israel maamusho.
Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga ayaa booqashada uu ku marayo dalalka reer Galbeedka iyo Maraykanka doonaya inuu ka gado inuu yahay hogaamiyaha isbedalka ku keeni doona dalka Sacuudiga, isagoona sheegay inuu wax badan ka bedali doono fikirkii xagjirka ah ee Sacuudiga ku faafin jiray xarumahooda waxbarashada.
Horey ayaa si weyn loogu tuhunsanaa Sacuudiga iyo Imaaraatiga inay taageereen go’aankii dhamaadkii sanadkii hore uu Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ku sheegay inuu magaalada Qudus u aqoonsaday caasimada Israel, arrintaasi oo ay cambaareeyeen dalalka Islaamka.
Hogaanka Sacuudiga ayaa aaminsan in Yuhuuda Maraykanka ay gacan weyn ka siin doonaan gal-galka siyaasadeed oo ay ku leeyihiin Washington iyo waliba dagaalka ay kula jiraan xoogaga ay cadawga u arkaan sida dowlada Iran.
Shirweynihii sanadkan uu ururka ugu awooda badan ee Yahuuda Maraykanka ee AIPAC oo bilowgii bishan Maarso ka dhacay Washington ayaa si weyn loogu taageeray waxa lagu tilmaamay "isbedalada wanaagsan” oo ay Sacuudiga iyo Imaaraatiga ka wadaan Bariga Dhexe.
Maraykanka:-Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Oo La Kulmay Ururada Yuhuuda Maraykanka Ee U Ololeeya Israa'iil
Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan oo socdaal labo todobaad ah ku maraya wadanka Maraykanka ayaa la sheegay inuu kulan la yeeshay qaar kamid ah ururada iyo kooxaha xagjirka ah ee Yuhuuda Maraykanka ee u ololeeya Israel.