Hargaysa:-"Kuwa Sheegta Golaha Wakiilladu, Marmarka Qaar Waxyaabaha Ay Ku Murmayaan Waxaad Is Odhanaysaa Waxay Joogaan Tiyaatar…" Sheekh Aadan Siiro

0
Saturday March 31, 2018 - 09:23:22 in by salman abdi
  • Visits: 531
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargaysa:-"Kuwa Sheegta Golaha Wakiilladu, Marmarka Qaar Waxyaabaha Ay Ku Murmayaan Waxaad Is Odhanaysaa Waxay Joogaan Tiyaatar…" Sheekh Aadan Siiro

    Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa Khudbaddii Jimcaha ee Maanta kaga hadlay ahmiyadda ay leedahay in Hoggaamiyeyaasha Dawladaha Muslimka ah ee Somaliland ka mid tahay noqdaan kuwo ka feejigan wixii dhibaataynaya Dadka ay ho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa Khudbaddii Jimcaha ee Maanta kaga hadlay ahmiyadda ay leedahay in Hoggaamiyeyaasha Dawladaha Muslimka ah ee Somaliland ka mid tahay noqdaan kuwo ka feejigan wixii dhibaataynaya Dadka ay hoggaaminayaan, Dhulkooda iyo Diintoodaba.



Sheekh Aadan-Siiro waxa kale oo uu khudbadda Jimcaha kaga hadlay dagaallada ay Dawladaha Gaaladu ku hayaan Dadka Muslimiinta ah, kuwaasi oo u baahan buu yidhi in lagu baraarugsanaado.

Sheekha oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi "Qofka Muslimka ahi waa Qof foojigan, mar kasta oo uu la yimaaddo wax khayr ahna Iimaankiisu wuu kordhaa, Aragtida Qofka Muslimka ahina way kobocdaa, Qofku markuu dhacdooyinka qaarkood ku siibtana iimaankiisu wuu naaqusaa. Muslimiinta waxa halkaa dhigay Dad seexday oo wax la kala macaashayo, meel loo guurayo iyo meel loo socdo aan ogayn, kuwaasi oo fuliya wixii Muslimiinta lagula dagaalamayey, oo fulinaya wixii Muslimiinta hantidooda lagula wareegayey.”

Sheekh Aadan wuxuu ka hadlay Balaayiin Dollar oo Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sucuudigu uu Hub kaga iibsanayo Maraykanka "Inankaa yar ee 31 jirka ah ee Xaramka hor-fadhiya (Maxamed Bin Salmaan) imika wuxuu ku meeraysanayaa Maraykanka, wuxuu mar keliya Trump siiyey 450 Bilyan Dollar, lama arag Dunida lacag intaa leeg oo la yidhaahdo Hub ayaa la siisanayaa (iibsanayaa), waa laaluush, waa Hantidii loogu talo-galay Muslimiinta.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray "Qofka Dadka Muslimiinta ah hoggaaminayaa waa inoo ogaado waxa Diintooda taabanaya, waa inoo ogaado waxa Dhulkooda taabanaya, waa inoo ogaado waxa taabanaya Masiirkooda iyo Mustaqbalkooda.”

Sheekh Aadan-Siiro

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud wuxuu sheegay in Dagaallada ka socda bariga dhexe ujeeddadoodu tahay in Israel lagu wareejiyo Baytal Maqdis "Go’aankii ugu dambeeyay ee la doonayo in bariga dhexe lagu maamulo iyo waxaa bariga dhexe ka socdaa waa in Baytal Maqdis lagula kala hagaago oo Israel lagu wareejiyo, kuwa aynu innagu wax moodayno Maanta ayaa Mashruucaasi qaatay (in Baytil Maqdis lagu wareejiyo Israel). Markaa Waddamada Muslimiinta ah ee aynu Innaguna ka mid nahay Dadka u ilo-bixinaya, Dadka raraya, Dadka doonaya inay Horumariyaan waa in aanay ka bixin xayn-daabka wanaagsan ee Caqliga, Sharciga iyo Diinteena ku salaysan oo tallaabo kasta oo ay qaadayaan ay Mustaqbalkooda aad u eegaan. ILLAAHAY Qur’aankiisa wuxuu ku yidhi ‘Illaahay Dariiqiisa raaca oo Kitaabka ku toosnaada, Nebigu (CSW) wuxuu idin farana yeela, ka digtoonaada wixii waxaa khilaafsan.’..” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey oo uu wax lala yaabo ku tilmaamay muranka iyo Buuqa ay sameeyaan Xildhibaannada Golaha Wakiillada marmarka ay doodayaan "Waxaan la yaabaa marka Qof la soo doortay oo ah kuwan Golaha Wakiillada sheegta oo qaata min 2 Kun Dollar (oo u dhiganta) Afartan Askari oo Jiidda hore taagan oo min Toban Carruur ah leh Lacagtooda, Gaadhi Cadna meesha ayuu ku yimaaddaa (isagoon) maalin koob Shaaha aan caanayn, waxyaabaha ay ku murmayaan waxaad is odhanaysaa waxay joogaan Tiyaatar ay Dadku ku nafisaan, waxay la mid tahay (la mid yihiin) boqoraddii Faransiiska ee aragtay Dadka Safka ku jira ee tidhi maxay Safka ugu jiraan? ee lagu yidhi Roodhi bay Saf ugu jiraan, ee tidhi miyey Keeggaba cunaan, iyadoo u qaadatay in Keegga Gurigeeda yaalla ay wada haystaan Dadkaa bakhtiyey ee Masaakiinta ah…”