Caalamka:-ICC oo xabsiga u dirtay nin loo haysto dagaalkii Mali.

0
Sunday April 01, 2018 - 08:53:29 in by salman abdi
  • Visits: 464
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Caalamka:-ICC oo xabsiga u dirtay nin loo haysto dagaalkii Mali.

    Caalamka:-ICC oo xabsiga u dirtay nin loo haysto dagaalkii Mali.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Caalamka:-ICC oo xabsiga u dirtay nin loo haysto dagaalkii Mali.

Maxkamadda qaadda dembiyada dagaalka caalamiga ah ee ku taalla Hague ayaa xabsiga u dirtay nin loo haysto inuu ka qaybqaatay dagaalkii Mali, kaddib markii ay xukuumadda dalkaas u soo gacan-gelisay.

Al Hassan Ag Abdoul Aziz Ag Mohamed Ag Mahmoud ayaa madax ka ahaa booliiska Islaamka ee Timbuktu xilligii ay hasteen maleeshiyaadka jihaad-doonka ah shan sano kahor.

Waxaa lagu eedeeyay inuu tacaddi u geystay haween iyo gabdho isagoo ansixiyay in si qasab ah loogu guuriyo dagaal-yahanno.

Waxaa sidoo kale la sheegay inuu qayb ku lahaa burburinta qabuurro taariikhi ah oo ku yaalla Timbuktu.

Warqadda lagu soo xiray Al Hassan ayaa lagu xusay inuu geystay dembiyo bani`aadannimada ka dhan ah oo ay ka mid yihiin jirdil, kufsi iyo addoonsi galmo; dacwad ku qaadidda dadka deggan Timbuktu arrimaha la xiriira diinta iyo jinsiga; iyo falal kale oo bani`aadannimada ka baxsan.

Hogaamiyihii Islaamiyiinta Tuareg oo la dilay

Ninka kale ee keliya ee ay dagaalka Mali ku xukuntay ICC ayaa qirtay burburinta goobo dhaqameed ku yaalla Timbuktu.

Ahmad al-Faqi al-Mahdi ayaa qirtay burburinta sagaal qabuurro taariikhi ah iyo masaajid, kan oo ah kiisikii ugu horreeyay ee meel ka dhac loo gaysto dhaqanka ee ay dhegeysato ICC.

Dacwad-oogayaasha ayaa sheegay in Mahdi uu xubin ka ahaa Ansar Dine, oo ah koox Islaami ah oo bilooyin haysatay Timbuktu.

Waxaa lagu xukumay sagaal sano, kaddib markii uu sheegay inuu ka xun yahay falalkii uu sameeyay uuna codsaday cafis.

Waxaa haatan jirta fursad uu ku marqaati furi karo Hassan.

Toddobaadka soo socda ayaa loo asteeyay in Hassan uu markii ugu horreysay ka soo muuqdo maxkamadda.