Xafisyadii Shaqalaha Tvga Qaranka Somaliland ee Dibeda Oo la Soo Xidhay Iyo Kharashkii Ku bixi Jiray oo Weli Ku jira Misaniyada 2018 ee Wasarada Warfafinta
Xafisyadii Shaqalaha Tvga Qaranka Somaliland ee Dibeda Oo la Soo Xidhay Iyo Kharashkii Ku bixi Jiray oo Weli Ku jira Misaniyada 2018 ee Wasarada Warfafinta
Dhowaan Wasiirka Wasarada Warfafinta Somaliland wuxu sheegay inuu dhamaan Shaqalihi ka Hawl geli jiray wadamada dibedaha ee u shaqayn jiray Tvga qaranka uu kala diray, sidoo kalena uu soo xidhay xafisyadii iyo Studiyowyadii ka jiray Dibeda si buu yidhi looga maarmo Kharashkii badnaa ee dibeda inagaga bixi jiray.
Wuxu Wasirku shegay in 4 qof oo keliya lagu soo reebay yurub hadaba sida ku cad Misaniyada Wasarada Warfafinta iyo Wacyigelinta ee 2018 Wasirku wuu dalbaday Kharashkii ku bixi jiray Xafisyada iyo Shaqalaha dibeda oo dhan 2,527,200,000 SLSH ( laba bilyan shan boqol iyo todoba iyo labaatan milyan oo shilinka somaliland ah) una dhiganta Dollar ahaan raytka Bangiga Somaliland 421.000$ ( afar boqol iyo kobiyo labaatan kun oo dollar sanadkii).
Hadaba waxa is weydiin leh hadii Wasirku Shaqalihii dibeda iyo Xafisyadiiba uu ka takhalusay si uu dawlada ugu badbaadiyo kharashkii dibeda ku bixi jiray muxuu hadana Misaniyada ugu darsaday?
Hadaba waxaa Paarlamanka Somaliland la gudboon inay Wasirka weydiiyaan waxa uu ugu talo galay kharashka intaas leeg Mar hadii uu soo xidhay xarumihii ay ku bixi jirtay iyo shaqalihiiba.