Hargeisa:- Xisbiga Waddani Oo Eedeeymo Culus Ku Hurgufay Guddida Xalinta Sicir-bararka, Si Kulul-na Uga Hadlay Maamulka Hawada Ee Somaliya La Wareegtay.

0
Sunday April 01, 2018 - 12:12:58 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargeisa:- Xisbiga Waddani Oo Eedeeymo Culus Ku Hurgufay Guddida Xalinta Sicir-bararka, Si Kulul-na Uga Hadlay Maamulka Hawada Ee Somaliya La Wareegtay.

    Hargeisa:- Xisbiga Waddani Oo Eedeeymo Culus Ku Hurgufay Guddida Xalinta Sicir-bararka, Si Kulul-na Uga Hadlay Maamulka Hawada Ee Somaliya La Wareegtay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa:- Xisbiga Waddani Oo Eedeeymo Culus Ku Hurgufay Guddida Xalinta Sicir-bararka, Si Kulul-na Uga Hadlay Maamulka Hawada Ee Somaliya La Wareegtay. Xisbiga Waddani ayaa ka hadlay maamulka hawada Somaliland ee Somaliya lagu wareejiyey, sicir bararka baahsan ee dalka ka iyo wada hadalada Somaliland iyo Somaliya.


Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbiga Waddani Cismaan Afgaab Nuur iyo Xoghaye ku xigeenka Xisbiga Waddani Jamaal Jaamac Xaamud, oo u waramayWargeyska Geeska Afrikaayaa ugu horeyn Xoghaye ku xigeenka Xisbiga Waddani Jamaal Jaamac Xaamud, uu yidhi "Waxaynu nahay dal madax banaan, oo hawadiisa leh, oo baddiisa leh, oo dhulkiisa leh, in la inaga khaldan yahay ayaan u arkaa, halkii ay Somaliya wax wanaajin lahayd, oo heshiiskii la wada galay tixgelin lahayd, oo wada hadaladaasi sii socdaan, oo si wanaagsan loo wada hadlo ayey ahayd, laakiin inay inagu soo deg degaan oo ay ku soo deg degaan hawadeena iyo Dakaddeena may ahayn”

 

Mar uu ka hadlaayey Sicir bararka ayaa yidhi "Anigu waxaan u arkaa inay Xukuumaddu ku deg degtay go’aankii ay ka qaadatay Shirkadda, ee lagu xadidaayey lacagta lagu shubto Mobilka, Siyaasado badan oo kale ayaa ka horeyn lahayd, wax badan oo wax lagaga qaban lahaa Sicir bararka ayaa ka horeyn lahaa, markaas anigu go’aankan waxaan u arkaa arin lagu deg degay oo indho la’an ah, meeshii ahayd in arinta laga doonana lagama doonin,waana dhib in haddii cudurka ka gala faradaha laga gubo dameer, runtiina in maanta khal-khal yimaado, oo qiimihii sarifka jahaweerar ku dhaco, waa go’aamadan hubsasho la’aanta lagu gaadhay iyadoo aan laga fiirsan, waxay ahayd in lacagta xisaab la’aana lagu soo daabacayo la joojiyo, waxay ahayd in Baanka dhexe hawshiisa uu qabsado, oo hawlihiisa shaqo loo madax banaaneeyo, laakiin haddii Masuuliyiinta Baanka mar walba waajibaadkoodii iyo awoodii shaqo cid kale qabato, oo haddii ay is yidhaahdaan shaqeeya ama khaladka jira ka hadla, ay baqayaan taasina waa dhibaato, ee Baanka dhexe awoodiisi shaqo ha loo soo celiyo, oo ha laga daayo faragelinta iyo inay cid kale shaqadiisa ku maamusho”.


 

 

Xoghaye ku xigeenka Xisbiga Waddani Jamaal Jaamac Xaamud, mar uu ka hadlaayey Komishanka Doorashooyinka ayaa yidhi "Xisbi ahaan waxaanu qabnaa in Komishankani aan lagu kalsoonan karin, mawqifka Xisbiga ayaana runtii ka aaminsan nahay, mawqifkaasna waan la qabaa, waxaana loo baahan yahay Komishan umadda iyo Xisbiyada dhex u ah in la helo, oo Doorashooyinka dambe lagu aamini karo”.


Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Waddani Cismaan Afgaab Nuur, oo isna ka hadlaya sicir bararka ayaa yidhi "Hawl walba marka la galayo in aad looga fiirsado oo aan lagu deg degin ayaa haboon, waxaana haboon in qorshe wax ku ool ah, oo lagaga baaran degay in wax lagaga qabto, oo hadba dhibaatada jirta lagu xaliyo, balse waa ayaan daro in qorshe laab la kaca ah, oo aan aqoon ku dhisnayn la yidhaahdo wax ayaa lagaga qabanayaa, qorshahaas Xukuumadda ee Sicir bararkuna waa taas oo dhibtiisi manta waa taas umadda ka muuqata, ee dadkii danyarta ahaa la dhibaataysan yihiin, in sicir bararka wax laga qabto iska daa, ee wey uga sii dartay”.


Mar uu ka hadlaayey maamulka hawada Somaliland ee Somaliya lagu wareejiyey ayaa yidhi "Markii ay Xukuumadda kulmiye furtay wada hadalada Somaliya, ayaa horta meeqaamkii Somaliland ee Caalamka uu hoos u dhacay, wakhtigii Daahir Rayaale, darajada Somaliland ka taagnayd Beesha Caalamka cidna loo sheegi maayo, oo waa la wada ogaa, balse maanta in Hawadeena Somaliya la wareegto waxa sabab u ah heshiisyadii sabab la’aanta lagu galay, ee Xukuumadda Kulmiye saxeexday, iyadoo aan laga fiirsan, lagana baaran degin”.


Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Waddani mar uu ka hadlaayey Komishanka ayaa yidhi "Komishankan Xisbiga Waddani waxa uu sheegay in la kala diro, oo aanay Doorasho dambe aan lagu halayn, Doorashooyin dambena inay sii qabtaan maaha, ee waa inay meesha ka baxaan”