Hargeysa Daawo Guddomiyaha Hay'adda Shaqaalaha Dawladda oo ka warbixiyey Qaabka ayuso Gebogabawday Barnamijki Tirinta iyo Tayaynta Shaqaalaha Dawladda

0
Sunday April 01, 2018 - 18:28:26 in by salman abdi
  • Visits: 630
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargeysa Daawo Guddomiyaha Hay'adda Shaqaalaha Dawladda oo ka warbixiyey Qaabka ayuso Gebogabawday Barnamijki Tirinta iyo Tayaynta Shaqaalaha Dawladda

    Qoraal Dheer oo Bartiisa Facebook ku baahiyey Guddomiyuhu ayu ku faahfaahiyey qaabki ay kuso Gabagabawday Hawshaasi waxanu qoraalkiisa kuyidhi sidan"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qoraal Dheer oo Bartiisa Facebook ku baahiyey Guddomiyuhu ayu ku faahfaahiyey qaabki ay kuso Gabagabawday Hawshaasi waxanu qoraalkiisa kuyidhi sidan"

"22-kii January illaa 1-dii April oo ku siman muddo 70 cisho ah iyo hawl-qabadkii aan u ballanay oo si habboon u soo dhammaaday.

- Waxaa maanta oo Axad ah, taariikhduna tahay 01/04/2018 si habsami ah u soo dhammaaday hawl-qabadkii hay’adda shaqaalaha dawladdu ku gaadhaysay gobol, guri iyo geed walba taasi oo looga gol lahaa tirinta shaqaalaha dawladda si loo tayeeyo.

- Intii hawshu socotay, waxa aanu gaadhnay xubin iyo xarun walba oo shaqaale dawladeed joogo, waxa aanan sooogaanay xaalka iyo xirfadda ay ku shaqeeyaan shaqaalaha kala duwan ee dawladdu

- Waxa aanan soo aragnay baahi, baylah iyo barkhad inta ay qabaan.

- Ka sakow diiwaangelinta shaqaalaha dawladda, waxa aanu soo helnay inta caagle iyo caajis shaqaalaha dawladda ku jiray, kuwaas oo si hufan loo buuxin doonno.

- Waxaaan u mahadcelinayaa; hawl-wadeennadii sida naf-hurnimada le geedi, galab-carow iyo guuro u galay in ay gaadhaan gobol iyo goob walba iyaga oo aan hagrasho, habrasho, hiif iyo haraad midna lahayn.

- Maalinta Salaasada oo ku beegan 3/04/2018 ilaa Arbacadda toddobaadka dambe oo ku beegan 11/04/2018, waxa aanu dib u eegis ku samayn doonnaa cid walba oo dib u eegis u baahan halkaas oo toddobaadka dambe 11/04/2018 si rasmi ah loo soo xidhi doonno hawl-qabadkan isla markaana la bilaabi doonno xog-xarayntii "Data Entry” iyo kala haadintii "Data Analysis”


Qorshe fulay iyo hawl-qabad qurux ku soo dhamaaday...