War deg deg ah : Shaqaale ku dhintay darbi ku soo dumay magaalada Muqdisho Sawirro

0
Monday April 02, 2018 - 13:52:05 in by salman abdi
  • Visits: 565
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War deg deg ah : Shaqaale ku dhintay darbi ku soo dumay magaalada Muqdisho Sawirro

    War deg deg ah : Shaqaale ku dhintay darbi ku soo dumay magaalada Muqdisho Sawirro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War deg deg ah : Shaqaale ku dhintay darbi ku soo dumay magaalada Muqdisho Sawirro

Ugu yaraan saddex ruux ayaa la xaqiijinayaa in ay ku dhinteen darbi ku soo dumay dhismaha Mall laga hergalinayo Agagaarka KM4 magaalada Muqdisho.

Shaqaalan ku howlanaa dhismaha mid ka mid ah darbiyada Mall-kan ayaa mar kaliya waxaaa ku soo dumay darbiga taasoo keentay in ay halkaa ku nafwaayeen, sidoo kale waxaa jira qaar ka mid ah shaqaalaha oo wali la tuhusan yahay in ay ku hoos soo jiraan dhagaxyada iyo bacadka is dul-barkaday.

Wariyayaasha Hiiraan Online oo markiiba gaaray goobta ayaa arkay meydka qof ka tirsan shaqaalaha halka sidoo kale loo xaqiijiyay in goobta laga qaaday labo kale oo isla shaqaalaha ka tirsanaa oo iyaguna dhintay.

Guddoomiyaha degmada Hodan Maxamed Axmed Cantoobo oo wariyayaasha kula hadlay goobta shilku ka dhacay oo ah Ex Shaleemadii hore ee Ikwatoore KM4 ayaa sheegay in dhimashada shaqaalaha ilaa iyo hadda la ogyahay gaarayaan saddex ruux.

Goobta waxaa jooga ciidamada Booliiska dowladda Soomaaliya iyo shaqaalaha gurmadka deg deg ah, ku waa oo baadi –goob ugu jira bal haddii ay jiraan wali shaqaale kale oo ku hoos jira dhismaha dumay.