Sucuudiga:- Sacuudiga: Israa'iil xaqbay u leedahay in ay dal yeelato.

0
Tuesday April 03, 2018 - 09:17:28 in by salman abdi
  • Visits: 547
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sucuudiga:- Sacuudiga: Israa'iil xaqbay u leedahay in ay dal yeelato.

    Sucuudiga:- Sacuudiga: Israa'iil xaqbay u leedahay in ay dal yeelato.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sucuudiga:- Sacuudiga: Israa'iil xaqbay u leedahay in ay dal yeelato.

Dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudi Carabiya Maxamed Bin Salmaan ayaa qiray in Israa'iil ay xaq u leedahay in ay dal yeelato.

Arrintaas ayaana u muuqata isbadal lataaban karo oo ku yimid meeshii uu Sacuudigu taagnaa markii hore.

Amiir Maxamed ayaa wargayska Maraykanka ka soo baxa ee Atlantic u sheegay in Falastiiniyiinta iyo Israa'iilba ay si siman ugu qalmaan in ay yeeshaan dhul ay leeyihiin.

Sacuudigu si rasmi ah uma aqoonsana dawladda Israa'iil, laakiin waayadan dambe waxaa soo hagaagayay calaaqaadkooda dahsoon.

Sacuudiga iyo Israa'iilba waxay halista ugu wayn ee dibadda kaga soo fool leh u arkaan Iiraan iyo malayshiyaadka Jihaadddoonka ah.