UAE: Amb Bashe Cawil oo Somaliland ku Casuumay warbaahinta imaaraatka ka hawlgala qaar ka mida
Wefti suxufiyiin ah oo ka socda warbaahinta caalamiga ah ee Arab News, Al Bayan News, Gulf News, Al Ain News iyo Associated Press News(AP), ayaa soo gaadhay caasimada Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeisa.
Suxufiyiintan ka socda warbaahinta caalamiga ahi waxay maalmaha kooban ee ay somaliland joogaan booqasho ay ku samayn doonaan goobaha taariikhiga ah ee ay leedahay Somaliland, sidoo kale waxay warraysiyo kala duwan la yeelaan doonaan Haldoorka Somaliland Iyo madaxda Dalka Jsl.
Ugu dambayntii booqashada Suxufiyiintan caalamiga ahi waxay Somaliland u noqon doontaa fursad adduunku ku baraarugo Somaliland inay tahay dal iyo dad tashaday oo ay ka jirto nabad iyo degenaano, taasoo keeni karta ku soo dhiirashada maalgashiyo caalami ah oo qaranku helo.
Ujeedada ugu weyn ee suxufiyiintan ka socda warbaahinta caalamiga ah ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabtu u yimaadeen Somaliland ayaa ah inay warbixino caalami ah ka gudbiyaan taariikhda Dalka Somaliland, iyaga oo si qoto dheer uga faaloon doonahorumarka muuqda ee ay Somaliland ka sammaysay dhinacyada dimuqraadiyada, ganacsiga, iyo arrimaha bulshada.
Suxufiyiintan ka socda warbaahinta caalamiga ahi waxay maalmaha kooban ee ay somaliland joogaan booqasho ay ku samayn doonaan goobaha taariikhiga ah ee ay leedahay Somaliland, sidoo kale waxay warraysiyo kala duwan la yeelaan doonaan Haldoorka Somaliland Iyo madaxda Dalka Jsl.
Ugu dambayntii booqashada Suxufiyiintan caalamiga ahi waxay Somaliland u noqon doontaa fursad adduunku ku baraarugo Somaliland inay tahay dal iyo dad tashaday oo ay ka jirto nabad iyo degenaano, taasoo keeni karta ku soo dhiirashada maalgashiyo caalami ah oo qaranku helo.
ALLAA MAHAD LEH.
Baashe Cawil Xaaji Cumar
Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta