Turkiga:-Dowlada Turkiga oo Fethullah Gulen ku eedeeyay dilkii loo geystay Safiirkii Ruushka ee Turkiga Andrei Karlov.

0
Tuesday April 03, 2018 - 09:17:28 in by salman abdi
  • Visits: 464
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Turkiga:-Dowlada Turkiga oo Fethullah Gulen ku eedeeyay dilkii loo geystay Safiirkii Ruushka ee Turkiga Andrei Karlov.

    Turkiga:-Dowlada Turkiga oo Fethullah Gulen ku eedeeyay dilkii loo geystay Safiirkii Ruushka ee Turkiga Andrei Karlov.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Turkiga:-Dowlada Turkiga oo Fethullah Gulen ku eedeeyay dilkii loo geystay Safiirkii Ruushka ee Turkiga Andrei Karlov.

Maxkamad Turkiga ayaa amar ku bixisay in la xiro wadaadka musaafuriska ugu nool dalka Maraykanka Fethullah Gulen iyo toddobo kale oo lagu eedeeyay dilkii loo geystay safiirka Ruushka ee Turkiga, sida lagu sheegay war saxaafadeed kasoo baxay dowlada.


Amarka maxkamada ayaa yimid iyada oo madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu booqasho maanta ku imaanayo Turkiga.



Safiirkii Ruushka ee Turkiga Andrei Karlov, ayaa waxaa toogtay nin hubeysan oo ka tirsanaa ciidamada bilayska Turkiga xili uu danjiraha booqanayay matxaf sawirro lagu soo bandhigo oo ku yaal magaalada Ankara bishii Disembar 2016.


Mevlut Mert Altintas oo ah ninka dilay safiirka, waxaa uu ku qeylinayey " Ha iloobina Xalab”, magaaladaas oo gebi ahaanba ay dhulka ku dareen ciidamo daacad u ah Bashaar Al-asad oo gacan ka helaya dalka Ruush-ka.


Dambiilaha ayaa waxaa markii dambe toogtay ciidamada oo isla goobtaas ku dilay isaga.