Somalia:- Khilaafka guddoonka Golaha Shacabka Soomaaliya oo wali taagan.

0
Tuesday April 03, 2018 - 09:17:28 in by salman abdi
  • Visits: 476
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somalia:- Khilaafka guddoonka Golaha Shacabka Soomaaliya oo wali taagan.

    Somalia:- Khilaafka guddoonka Golaha Shacabka Soomaaliya oo wali taagan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somalia:- Khilaafka guddoonka Golaha Shacabka Soomaaliya oo wali taagan.

Inkastoo madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Sabtidii aynu soo dhaafnay uu dib u dhigay kulan ay yeelan lahaayeen xildhibaannada Golaha Shacabka kaddib khilaaf xoog leh oo soo kala dhaxgalay xildhibaannada, haddana dhinaca kale waxaa wali muuqanaya in uu jiro khilaaf u dhaxeeya guddoonka sare ee Baarlamaanka.

Maalintii shalay guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Cabdiwali Muudeey ayaa qoraal uu soo saaray shaqadii uga joojiyay xoghayaha guud ee Barlamaanka, halka qoraal ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha Golaha Shacabka Prof Maxamed Cismaan Jawaari lagu sheegay in shaqo ka joojintaa tahay mid sharci darro ah oo aan waxba ka jirin.

Qoraalladan iyo eryada labada dhinac ay warbaahinta isku marinayaan ayaa loo arki karaa mid meesha ka saari karta dadaallada madaxweynaha uu ku doonayo in lagu xaliyo khilaafka Golaha Shacabka oo noqonaya culuskii siyaasadeed ee ugu weynaa ee soo wajaha dowladda mudaddii sanadka ahaa oo ay jirtay.

Dhinaca kale qaar ka mid ah xildhibaannada mooshinka ka keenay guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in wali uusan meesha ka bixin mooshinka.

Dad badan ayaa qaba in ay yar tahay rajada laga qabi karo in Baarlamaanku mar kaliya wada jir dib ugu midoobo kulamadiisii caadiga ahaa, maadama khilaafka guddoonka iyo xildhibaannada la kala safan uu gaaray heerkiisii ugu sareeyay.