Ex Wasiir Maxamuud Xaashi Oo Dalka Dib Ugu Soo Noqoday + Arimah Xasaasiya Oo La Filayo In Uu Ka Hadlo.
Wasiirkii hore ee madaxtooyada somaliland Md Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa sanqadh la,aan dalka dib ugu soo laabtay.
Wasiirkii hore ee madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi oo maalintii shalay ka soo dagay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa ayaan la dareemin soo laabashadiisa, iyada oo uu hore u jiray guux sheegaya in la diyaarinayo soo dhawayn balaadhan oo loo samaynayo.Wasiirkii awooda badnaa ee xukuumadii Madaxweyne Siilaanyo iyo tan iyo wakhtigii uu talada dalka wareegay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu ku maqnaa dalka dibadiisa,isaga ku sugnaa wadamada Imaaraadka iyo Ingiriiska.
Maxamuud Xaashi Cabdi ayaan wali cadayn halka uu ku dambeeyey hankiisii uu ku doonayey
inuu la wareego hogaaminta xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye, iyada oo ay dhamaadeen 45-kii cisho ee la hadal hayey inuu kula wareego doono xisbigaasi.
dhinaa