Xildhibaanada Mooshinka Ka Keenay Gudoomiye Jawaari Oo Xilli Hore Ku Xaadiray Xarunta Golaha Shacabka
Xildhibaanadan ayaa sheegay inay hadda tiradooda ay gaareyso illaa 120 Xildhibaan, kuwa kalena ay soo socdaan oo ay ku soo biirayaan kulanka, inkastoo uusan furmin.
Xildhibaan Cabdi Cali Xasan oo ka tirsan Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Gudoomiye Jawaari ayaa sheegay in xarunta Golaha Shacabka ay joogaan, Ajandaha maantana uu yahay cod u qaadista Gudoomiye Jawaari.
"Xildhibaanada waa ay joogaan xarunta Golaha Shacabka waxa ay tiradooda gaareysa illaa 120 Xildhibaan, kuwa kalena waa ay soo socdaan saacadaha soo socda kulanka Baarlamaanka wuu furmayaa, Ajandahana sidii horay loo sheegay codka kalsoonida ayaa loo qaadayaa Gudoomiye Jawaari.” Ayuu yiri Xildhibaanka.
Inkastoo Xildhibaanada Mooshinka wada ay sheegayaan in cod u qaadista maanta ay tahay, ayaa haddana Xildhibaanada Difaacaya Gudoomiye Jawaari waxa ay wataan Ajande kale oo kulankooda maanta ah.
Xildhibaanada Mooshinka Ka Keenay Gudoomiye Jawaari Oo Xilli Hore Ku Xaadiray Xarunta Golaha Shacabka
Xildhibaanada Mooshinka ka soo gudbiyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa xilli hore oo saaka ah ku sii xaadiray Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.