Guddoomiye Ramaax Gabiley Miyuu Nastay Mise Wuu Dallacay.

0
Wednesday April 04, 2018 - 12:17:26 in by salman abdi
  • Visits: 662
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiye Ramaax Gabiley Miyuu Nastay Mise Wuu Dallacay.

    Guddoomiye Ramaax Gabiley Miyuu Nastay Mise Wuu Dallacay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiye Ramaax Gabiley Miyuu Nastay Mise Wuu Dallacay.

Maxamuud Cali Saleeban Ramaax, Guddoomiyihii Gobolka Gabiley ayaa la eryey Axaddii todobaadkan.


Waxa uu ahaa Badhasaab soo maamulay inta badan Gobolada dalka marka laga reebo Gobolka Maroodi-jeex, waxaanu markii u horaysay noqday Badhasaabka Saaxil, isagoo ugu dambeyntiina laga beddelay Gabiley oo ah Gobolka ugu yaraa ee uu Maamulo.

Guddoomiye Ramaax, ayaa Gobolada ugu xaasaasisan ee uu ka soo shaqeeyay waxa kamid ahaa Sanaag iyo Awdal oo uu ku beegmay xilliyo adag oo tabasho bulsho hadhaysay.

Gobolka Sool, ayaa sidoo kale ka noqday Guddoomiye, waxaanu u muuqday masuul la qabsaday Maamulka Bulsho kala duwan oo uu wakhti kooban madax u noqday.

Intii uu Gobolka Awdal joogay mar ayaa lagu weeraray gurigiisa, laakiinse waxyeello kama soo gaadhin.

Waa masuulkii ugu horeeyey ee uu Madaxweyne Muuse inta uu magacaabay haddana xilka ka qaaday muddo ku siman Boqolkii maalmood ee u horeeyey.

Dadka u dhuunta daloola sababta xilka looga qaaday, waxay sheegeen in khilaaf ku yimi arrimo Maamul oo deegaanka Wajaale ah xil ka qaadistiisu ku timi, waxaase jirtay inuu markii loo magacaabayba saluugsanaa Gobolka qaniga ku ah wax soosaarka Beeraha ee Gabiley.

Si kastaba ha ahaatee dad badan waxay isweydiinayaan Guddoomiye Ramaax oo noqday Badhasaabkii ugu shaqada badnaa ee madax ka noqda Lix Gobol oo dalka kamida muxuu noqon doonaa mustaqbalka haddiiba ay dhacdo in mar kale xil looga magacaabo Dawladda?

Wuxuu noqon doonaa laba midkood inuu noqdo La-taliye Madaxweyne iyo in xil Wasiirnimo uu qabto. waxaabase dhici karta inuu kamid noqdo Murrashaxiinta Golaha Wakiillada ee soo socda.