Soomaliya:-Guddoomiye Baarlamaanka Soomaaliya Oo Iska Fogeeyey Eedeymihii Loo Jeediyey
- Visits: 430
- (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
- 0 0
-
Share
Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamad Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ka hadlay wixii shalay ka dhacayd xarunta Golaha Shacabka, isagoo waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeymaha loo jeediyay.
Habeenkii xalay ayaan shir la qaatey Taliyaasha ciidanka qalabka sida, sida Taliyaha Booliska, taliyaha Asluubta, Abaanduulaha xoogga dalka iyo ku xigeenka Nabad sugidda, waxaana u sheegay in ay dhex dhexaad ka ahaadaan waxa socda, waxaana ku adkeeyey qoraal aan horay u soo saarney ayuu yiri Jawaari.
– Subaxnimadii saakey ayaan u baxney Xarunta Baarlamaanka waxaa ila socdey ku-xigeenkayga labaad iyo ilaaladayda oo gaareysey 11, waxaa nala ku joojiyey Radio Muqdisho agtiisa, waxaana nala ku yiri ma gudbeysaan, waxaan weydiiyey cidda amarka siisey waxayna ii sheegeen in Wasiirka Amniga amarkaas bixiyey, waxaan u sheegnay in aanu socono xaruntayadii oo aysan naga hor istaagi karin sharcina u haysan.
Jawaari ayaa sheegay in uu aad ula yaabey markii la yiri waxa uu qabsadey golihii shacabka, ma 11 qof oo ilaaladeyda ah ayaan ku qabsan karaa ayuu is weydiiyey.
Jawaari ayaa ka sheekeeyey markii uu gudaha u galay xarunta oo uu ugu tegay ciidamo badan oo isku gedaamey qaybta kore ee shir guddoonka
– Waxaa jirta in aan qof askeri ah soo geli karin iyada oo aan fasax laga haysan, habdhawraha, markii aan gudaha galey waxaan u tegey 40 tameeyo ciidan ah oo meeshii isku xiray, aniga ciidamada ila socda waxay nagu sugaan xafiiska gadaal, mana soo galaan xarunta dhexdeeda laakiin maanta qaybtii shir guddoonka ayaa la qabsadey.
Jawaari ayaa sheegay in la yiraahdo Guddoomiyihii golaha shacabka ayaa golihii shacabka qabsadey taasi waxay la mid tahay Madaxweynihii ayaa qabsadey Villa Somalia, maxaa yeelay waa xaruntii aan odayga ka ahaa ayuu yiri.
Afhayeenka Baarlamaanka Golaha Shacabka ayaa sheegay in Taliyaasha ciidanka ee saxaafadda ka hadley uu culeys saaran yahay maanta laakiin waa u cudur daarayaa, waana niman sharciga ayaqaan ayuu yiurei waa u cudur daaraynaa.
Taliyaha guud ee ciidamada Uganda ee AMISOM ayaa sheegay in gebi ahaanba la hakiyey kulamadii Baarlamaanka ilaa amar danbe, amnigana ay iyagu sugayaan.
Soomaliya:-Guddoomiye Baarlamaanka Soomaaliya Oo Iska Fogeeyey Eedeymihii Loo Jeediyey
Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamad Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ka hadlay wixii shalay ka dhacayd xarunta Golaha Shacabka, isagoo waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeymaha loo jeediyay.