Hargeysa "Waxa noo sharaf ah inaad ku fadhidaan kuraastii wasiirada oo waliba idinku aad hal abuur keenteen; wasiiradu hal abuur ma keenaane..."Muse Bixi

0
Friday April 06, 2018 - 11:21:32 in by salman abdi
  • Visits: 672
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargeysa "Waxa noo sharaf ah inaad ku fadhidaan kuraastii wasiirada oo waliba idinku aad hal abuur keenteen; wasiiradu hal abuur ma keenaane..."Muse Bixi

    Madaxweynaha somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa falaadh kulul ku ganay xubnaha golihiisa wasiirada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa falaadh kulul ku ganay xubnaha golihiisa wasiirada.


Madaxweyne Muuse Biixi ayaa golaha wasiirada ku dhaliilay qaar aan lahayn hal abuur anfaca bulshada, ay miiska shirarka la yimaadaan qalimaan iyo warqado ay wax ku qoraan.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa hadalkan ka sheegay mar uu qaabilay dhalinyaro reer somaliland ah oo hal abuur cusub soo kordhiyey.

Madaxweyne Muuse Biixi oo la hadlaya dhalinyarada uu qaabilay soona bandhigaya hal abuur la,aanta golihiisa wasiirada ayaa waxa uu yidhi "Aad iyo aad ayaan idiin soo dhawaynayaa marka hore,ku soo dhawaada gurigiina madaxtooyada, waxa noo sharaf ah inaad ku fadhidaan kuraastii wasiirada oo waliba idinku aad hal abuur keenteen; wasiiradu hal abuur ma keenaane,qalin iyo warqad ayay la yimaadaane inaad keenteen waa kuwan I horfadhiyee idinka oo da’yar aad wax wada fikir cusub ah oo hal abuur ah aad keenteen, aad iyo aad ayaanu idiinku mahad naqaynaa,waanu idiin ducaynaynaa, waanuna idinla shaqaynaynaa." ayuu yidhi madaxweynaha somaliland oo dhirigelinayey dhalinyaradaas hal abuurka samaysay