Maali:- Askar Qaramada Midoobay Ka Tirsan oo Lagu Laayay Dalka Mali.

0
Friday April 06, 2018 - 11:45:40 in by salman abdi
  • Visits: 516
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maali:- Askar Qaramada Midoobay Ka Tirsan oo Lagu Laayay Dalka Mali.

    Maali:- Askar Qaramada Midoobay Ka Tirsan oo Lagu Laayay Dalka Mali.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maali:- Askar Qaramada Midoobay Ka Tirsan oo Lagu Laayay Dalka Mali.

Laba askari oo ka tirsan ciidanka nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ayaa lagu dilay dalka Mali toban kalena waa lagu dhaawacay weerar lagu qaaday xeradooda.

Hawlgalka nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee Mali ka hawlgala ee MINUSMA, ayaa sheegay in ciidankaa nabad ilaaliyeyaasha ah lagu weeraray xeradooda oo ku taal bariga dalka.


Weerarka ayaa lagu soo waramayaa in laga soo qaaday meel xerada u dhaw oo mar horeba ay ka socdeen dhaqdhaqaaqyo laga shikisanaa. Lama shaacin askarta la dilay dalalka ay u dhasheen.

Kooxaha jihaad alooska ah ayaa weli weerarro ka wada woqooyiga Mali in kasta oo heshiis nabadeed la saxeexay saddex sanadood ka hor.

Weerarrada lagu qaado ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay waa kuwo soo noqnoqda, in ka badan boqol iyo konton askarina way ku dhinteen ilaa sannadkii 2013-kii.