Ruush:-Dawlada Ruushka Oo Jawaab Adag Ka Bixin Doona Cunoqabatayn Maraykanku Ku Soo Rogay

0
Saturday April 07, 2018 - 08:37:44 in by salman abdi
  • Visits: 488
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ruush:-Dawlada Ruushka Oo Jawaab Adag Ka Bixin Doona Cunoqabatayn Maraykanku Ku Soo Rogay

    Ruushka ayaa ku hanjabay in uu "jawaab adag" ka bixin doono cunoqabatayno cusub oo Maraykanku ku soo rogay saraakiil iyo shirkado Ruush ah oo lagu eedeeyey in ay ka macaashaan dedaalada Madaxweyne Putin ku doonayo inuu ku wiiqo reer Galbeed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ruushka ayaa ku hanjabay in uu "jawaab adag" ka bixin doono cunoqabatayno cusub oo Maraykanku ku soo rogay saraakiil iyo shirkado Ruush ah oo lagu eedeeyey in ay ka macaashaan dedaalada Madaxweyne Putin ku doonayo inuu ku wiiqo reer Galbeedka.



Liiskaa dadka la takoorayo waxa ku jira mid ka tirsan ilaalada gaarka ah ee Putin, wiil uu soddog u yahay, iyo xubno ka mid ah saraakiisha saamaynta leh ee madaxweynaha u dhaw iyo sidoo kale tobaneeyo shirkadood oo ay kuwaasi leehihiin.

Hantidooda taalla bankiyada Maraykanka ayaa sida cunoqabatayntu dhigayso la xayiri karaa. Warbixin ay soo saartay wasaaradda arimaha dibadda Ruushku ayaa lagu sheegay in "cadaadis kasta” oo lagu doonayo in Ruushka "lagaga weeciyo dhabbaha uu doortay” aanu u dabcayn.

Mid ka mid ah saraakiisha saamaynta leh ee liiska ku jira ayaa ah Oleg Deripaska, oo ku sheegay go’aanka liiska loogu daray mid "aan sal lahayn, la yaab leh oo ah wax lagu qoslo”.