Soomaliya:-Kulankii Baarlamaanka Soomaaliya Ee Maanta La Qorsheynayay Oo Dib U Dhac Ku Yimid

0
Saturday April 07, 2018 - 08:45:55 in by salman abdi
  • Visits: 502
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaliya:-Kulankii Baarlamaanka Soomaaliya Ee Maanta La Qorsheynayay Oo Dib U Dhac Ku Yimid

    Kulankii Baarlamaanka ee la qorsheynayay maanta oo Sabti ah ayaa mar kale dib u dhac ku yimid, kaddib markii goor dambe oo saq dhexe ah lagu wargeliyay Xildhibaanada inuu baaqday.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulankii Baarlamaanka ee la qorsheynayay maanta oo Sabti ah ayaa mar kale dib u dhac ku yimid, kaddib markii goor dambe oo saq dhexe ah lagu wargeliyay Xildhibaanada inuu baaqday.



Kulanka ayaa markii hore Xildhibaanada mooshinka ka keenay Jawaari ay qaab hoose isugu wargeliyeen, iyadoo aan la dirin farriintii guud ee Xildhibaanada loo diri jiray in kulanka uu jiro.

Ilo kala duwan ayaa xaqiijinaya in qorshaha Xildhibaanada Mooshinka uu ahaa in maanta oo Sabti ah kulmaan, isla markaana ridaan Guddoomiye Jawaari, iyadoo ay jirtay cabsi laga qabay in dhinaca kale ee ka soo horjeeda inay arbushaad ka sameeyaan kulanka.

Waxaa xalay saqdii dhexe socday kulamo gaar gaar ahaa oo hey’adaha ammaanka, xildhibaanada labada dhinac iyo mas’uuliyiinta dowladda ay lahaayeen.

Ciidamada Ammaanka ayaa xilli dambe lagu wargeliyay in kulanka uu baaqday, inkastoo aan sabab la sheegin.

Xiisada siyaasadeed iyo kala qeybsanaanta Baarlamaanka oo labo garab u kala jabay ayaa wali wax xal ah laga gaarin, iyadoo khilaafka uu heerkii ugu sareeyay gaaray.

Xildhibaanada ka soo horjeeda Jawaari iyo kuwa taageersan ayaa labadii maalmood ee u dambeeyay hawada isu marinayay hadalo kulul

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in maanta ay balansan yihiin Guddi labada dhinac ka socda oo ka wada hadlaya xaalada taagan.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa wali soo dhex gelin labada dhinac, waxaana la sheegay in qudhooda ay kulamo kala duwan ku lahaayeen Xarunta Xalane, iyagoo xaalada kor kala socda.