Marayanka:-Ciidamo Mareykan ah oo la geeyay xadka Mexico

0
Saturday April 07, 2018 - 08:51:58 in by salman abdi
  • Visits: 505
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Marayanka:-Ciidamo Mareykan ah oo la geeyay xadka Mexico

    Ciidamo ka socda ilaalada qaranka ee gobolka Texes ee dalka Mareykanka ayaa loo daad gureeyay xadka Mareykanka uu la wadaago Maxico. Ciidammadan ayaa la sheegay inay gaarayaan ilaa iyo laba boqol iyo konton askari.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamo ka socda ilaalada qaranka ee gobolka Texes ee dalka Mareykanka ayaa loo daad gureeyay xadka Mareykanka uu la wadaago Maxico. Ciidammadan ayaa la sheegay inay gaarayaan ilaa iyo laba boqol iyo konton askari.


Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump oo isagu soo hindisay qorshahan ayaa sheegay inuu doonayo in xadkaasi la geeyo ciidamo gaaraya afar kun, kuwaasi oo halkaasi joogi doona ilaa iyo inta laga dhameystirayo darbiga Mareykanka uu ka dhisayo halkaasi.

Gobolka Arizona ee dalka Mareykanka ayaa iyaguna la sheegay in dhankooda ay qorsheynayaan in xadka ay geeyaan 250 askari oo kale, waxaana tallaabadan ay imaneysa xili madaxweyne Trump uu ku dhawaaqay qorshe cusub oo lagaga hortagayo muhaajiriinta.


Trump ayaa sidoo kale sheegay inuu doonaayo in la soo afjaro wax uu ku tilmaamay 'Qabo oo sii daa' oo uu ula jeeday muhaajirinta sida sharci darada kusoo gala Mareykanka, kadib na inta la qabto lasii daayo.

Trump waxaa kale oo uu soo jeediyay in muhaajirinta la geeyo goobo lagu hayo inta ay socota dhageysiga dacwadooda.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa u muuqda mid ahmiyad gaar ah siinaya sidii looga hortagi lahaa muhaajiriinta ku qulqulaya Mareykanka, maadaama uu dhowr jeer arrimaha muhaajiriinta kaga hadlay bartiisa Twitter-ka, waxaa uuna sidoo kale ku eedeyay xisbiga Dimoqardiga inay albaabada u fureen wax uu ku tilmaamay ''daroogada iyo dambiyada'', waxaana tallaabadan uu qaaday Mareykanka uu ku tilmaamay mid horumar ah.