Hargeisa:- Khilaaf Ka Taagan Agaasimaha Guud Ee Maamulka Gobollada Iyo Degmooyinka Wasaaradda Arrimaha Gudaha + Maxamed Kaahin Oo Ka Hor Istaaga Inuu Xilkaasi La Wareego.

0
Saturday April 07, 2018 - 12:14:02 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargeisa:- Khilaaf Ka Taagan Agaasimaha Guud Ee Maamulka Gobollada Iyo Degmooyinka Wasaaradda Arrimaha Gudaha + Maxamed Kaahin Oo Ka Hor Istaaga Inuu Xilkaasi La Wareego.

    Hargeisa:- Khilaaf Ka Taagan Agaasimaha Guud Ee Maamulka Gobollada Iyo Degmooyinka Wasaaradda Arrimaha Gudaha + Maxamed Kaahin Oo Ka Hor Istaaga Inuu Xilkaasi La Wareego.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa:- Khilaaf Ka Taagan Agaasimaha Guud Ee Maamulka Gobollada Iyo Degmooyinka Wasaaradda Arrimaha Gudaha + Maxamed Kaahin Oo Ka Hor Istaaga Inuu Xilkaasi La Wareego.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa Wargeyska Foore u xaqiijiyay in khilaaf ka taagan yahay Cidda Qabanaysa Booska Agaasimaha Guud ee Maamulka Gobollada iyo Degmooyinka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Kadib markii uu Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Muj Maxamed Kaahin Axmed uu ka hor istaagay inuu xilkaasi la wareego Mukhtar Maxamed Cali oo uu Madaxweynuhu dhawaan booskaasi u soo magacaabay.


Illo-Wareedyo u dhuun daloola Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland oo Wargeyska Foore helay ayaa daaha ka rogay in Wasiir Maxamed Kaahin Axmed uu ku wargeliyay Mukhtar Maxamed Cali in wax iska badeleen magacaabistii uu dhawaan Madaxweyne Muuse Biixi u soo magacaabay Booska Agaasimaha Guud ee Maamulka Gobollada iyo Degmooyinka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland,islamarkaana loo badelay,lana wareego Booska Agaasimaha Guud ee Amniga ee isla Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Madaxweynuhu Magacaabistii u dambaysay uu u soo magacaabay Cabdi Nuur Axmed (Cabdi Guray) kaasi oo Sida la sheegay uu Wasiirku la jecel yahay inuu qabto booska Maamulka Gobolada iyo Degmooyinka. Labadan masuul ayaa laga soo kale badelay Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Wasaaradda Xannaanada Xoolaha oo ay Agaaasimayaal Guud ka ahaayeen tan iyo Xukuumaddii Siilaanyo.
Wararkan ayaa intaasi ku daray in kulan ay iskugu yimaadeen Doraad Mukhtar Maxamed Cali iyo Wasiir Maxamed Kaahin ay isku afgaran waayeen kadib markii uu Mukhtar Maxamed Cali Diiday dalab Wasiirku hor dhigay oo ah inuu qabto Booska Agaasimaha Guud ee Amniga ee Wasaaradda Arimaha Gudaha, kuna adkaystay inaanu qaadanayn boos aan ahayn kii uu Madaxweynuhu u soo magacaabay oo ah Agaasimaha Guud ee Maamulka Gobolada iyo Degmooyinka Wasaaradda Arimaha Gudaha,Waxaanay arintaasi keentay inuu hadalku ka taag taagmo oo ay cadho ku kala tagaan. Waa markii u horaysay ee uu Wasiir isku dayo inuu wax kabadel ku sameeyo Degreeto magacaabis ah oo ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha, Waxaana la eegi doonaa halka ay arintu iskugu shubato iyada oo ay warar kale sheegayaan in arintii ay ku noqotay Madaxtooyadda islamarkaana la sugayo inay Madaxtooyadu go’aan cad ka soo saarto cida qabanaysa Booska Agaasimaha Guud ee Maamulka Gobolada iyo Degmooyinka Wasaaradda Arimaha Gudaha.

Foore