Jarmalka: Laba qof ayaa ku dhintay weerar gaari lagu jiirsiiyay dad Muenster

0
Sunday April 08, 2018 - 09:40:56 in by salman abdi
  • Visits: 476
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jarmalka: Laba qof ayaa ku dhintay weerar gaari lagu jiirsiiyay dad Muenster

    Jarmalka: Laba qof ayaa ku dhintay weerar gaari lagu jiirsiiyay dad Muenster

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jarmalka: Laba qof ayaa ku dhintay weerar gaari lagu jiirsiiyay dad Muenster

Booliiska Jarmalka ayaa sheegay in gaari la jiirsiiyay goob ay dad badan ku sugnaayeen oo ku taalla waqooyi galbeed magaalada Muenster, halkaasi oo ay ku dhinteen ugu yaraan saddex qof.

Dhacdadan ayaa loola tacaamulay sida weerar oo kale, balse wali lama xaqiijin inay ahayd iyo inkale weerar argagixiso.

Gaarigan ayaa dhex jiiray dad badan oo adeeganayay, miisas iyo kuraas yaalay banaanka maqaayad halkaasi ku taallay.

Ugu yaraan 30 qof ayaa la dhaawacay, iyada oo booliiskuna ay sheegeen in lix ka mid ah dadkaasi ay dhaawacyadoodu halis yihin.

Dadka degan magaalada Muenster ayaa argagaxsan. Gaariga ayaa la marsiiyay dad badan oo ku sugnaa goob caan ah oo ku taalla magaaladaasi qadiimiga ah, halkaasi oo ay ku nasanayeen xili casar liiq ah.

Darawalka gaariga, oo ahaa muwaadin u dhashay Jarmalka ayaa dhintay kaddib markii uu gaariga dhexdiisa isku toogtay isla goobtaasi.

Saddex qof ayaa ku dhintay weerarkan oo uu ku jiro darawalkii ka xeynayay gaariga, kaasi oo istoogay xili uu dhaawacay ku dhawaad 20 qof.

Saraakiisha Jarmalka ayaa sheegay inaysan jirin wax muujinaya in weerarkaan ay geysteen rag hubeysan oo islaamiyiin ah.

Warbaahinta Jarmalka ayaa sheegtay in darawalka gaarigan uu maskxada ka xanuunsanayay.

Wasiirka arrimaha gudaha Jarmalka Herbert Reul ayaa xaqiijiyay in ninkaan uu u dhashay Jarmalka, isaga oo sheegay in uusan ahayn qaxooti, waxa uuna intaasi ku daray in illaa iyo haatana aysan wax cadeyn ah oo muujinaya inuu xiriir la lahaa koox islaamiyiina.

Booliisku waxa ay xireen goobta uu weerarku ka dhacay oo ku taalla bartamaha magaalada qadiimiga ee Muenster, waxa ayna ka daadgureeyeen dadkii deganaa halkaasi.

Darawalkii waday gaariga ayaa is dilay. Booliiskuna ma aysan shaacin sababta ka dambeysay inuu is dilo ninkaasi, balse weerarka ayaa kusoo beegmaya kaddib sanad markii rag hubeysan oo islaamiyiin ah ay gaari jiirsiiyeen meel dad badan ay ku sugnaayeen oo banaanka ka ah goob allaabo lagu iibiyo, waxa ayna halkaasi ku dileen shan qof.

Weerarkaasi ayaa waxaa qirtay inuu ka dambeeyay nin magaciisa ku sheegay Uzbek oo ahaa magangalya doon ku sugnaa Jermalka. Haatan waxaa lagu maxkamadeynayaa Jarmalka.