Kuuriyadda:-Kuuriyada Woqooyi oo aqbashay shardi Maraykanku ku xidhay

0
Monday April 09, 2018 - 08:49:52 in by salman abdi
  • Visits: 569
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kuuriyadda:-Kuuriyada Woqooyi oo aqbashay shardi Maraykanku ku xidhay

    Saraakiil Maraykan ah ayaa sheegay in Kuuriyada Woqooyi ay aqbashay dalabkii maamulka Trump ee ahaa in hub ka dhigista nukliyeerka ah ee Kuuriyada Woqooyi lagu daro ajendaha ay ka wada hadli doonaan hogaamiyeyaasha labada dal marka ay kulmaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saraakiil Maraykan ah ayaa sheegay in Kuuriyada Woqooyi ay aqbashay dalabkii maamulka Trump ee ahaa in hub ka dhigista nukliyeerka ah ee Kuuriyada Woqooyi lagu daro ajendaha ay ka wada hadli doonaan hogaamiyeyaasha labada dal marka ay kulmaan.


Pyongyang ayaa arintaa hore ugu xajiiqisay wadahadallo gogol xaadh ah oo ay la yeelatay Kuuriyada Koonfureed, hase yeeshee waa markii u horraysay ee ay ballankaa u qaaday saraakiil Maraykan ah oo ay kuweeda xidhiidh yeesheen.

U diyaargarowga kulan madaxeedka hogaamiyeyaasha labada Kuuriya iyo Maraykanka ayaa haatan socda.

Hogaamiyaha Kuuriyada Woqooyi,Kim Jong-un, ayaa ay suurto gal tahay in uu isna la kulmo madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed, Moon Jae-in, dabayaaqada bishan.