Jarmalka:-Booliska Jarmalka Oo Fashiliyey Weerar Lala Maaganaa Magaalada Berlin

0
Monday April 09, 2018 - 08:53:58 in by salman abdi
  • Visits: 501
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jarmalka:-Booliska Jarmalka Oo Fashiliyey Weerar Lala Maaganaa Magaalada Berlin

    Booliska magaalada Berlin ayaa xidhay lix qof oo ay ku tuhmeen inay "maleegayeen fal colaadeed halis ku ah magaalada".

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Booliska magaalada Berlin ayaa xidhay lix qof oo ay ku tuhmeen inay "maleegayeen fal colaadeed halis ku ah magaalada".



Dadkaa la xidhay oo da’doodu u dhaxayso 18 ilaa 21 ayaa waxa qabashadooda la shaaciyey iyada oo ay soo baxayeen warar ay baahisay warbaahinta Jarmalku oo sheegayey in la fashileyey weerar la damacsanaa in toorrayo lagula dhaco dadka ka qayb galayey tartank orodka ee Axaddii ka dhacay magalaada.

Af-hayeen u hadlay booliska ayaa Axaddii sheegay in aan lahayn caddayn buuxda oo muujinaysa in shirqoolkaa lala maaganaa tartanka.

Boolisku waxa kale oo ay sheegeen in baadhitaano laga fuliye meelo magaalada ka mid ah, oo la soo qabtay agab elektoriinika oo haatan baadhitaan lagu wado.

Duqa magaalada Berlin, Micheal Mueller, ayaa ugu mahadnaqay ciidamada nabad gelyada ee magaalada in ay ka hortaheen "weerar dhici lahaa iyo inay yihiin boolis foojigan oo shaqadooda guta”.

Wargeys dalkaa ka soo baxa ayaa ku waramay in dadka la xidhay lagu tuhunsanyahay in ay xidhiidh la leeyihiin nin u dhashay Tunisia oo Islaami ah oo 12 qof ku dilay gaadhi uu ku jiidhsiiyey magaalada bishii Diisember ee 2016-kii.

Hase yeeshee boolisku way ka gaabsaday inuu faahfaahin dheeraad ah bixiyo.