Muqdisho Deg deg ah: Gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka Somaliya Oo Iscasilay

0
Monday April 09, 2018 - 08:59:04 in by salman abdi
  • Visits: 531
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muqdisho Deg deg ah: Gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka Somaliya Oo Iscasilay

    Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa lagu soo waramayaa inuu iscasilay, maanta oo Isniin ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa lagu soo waramayaa inuu iscasilay, maanta oo Isniin ah.


Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Cabdiwali Muudeey ayaa goor dhaw xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya u akhriyay warqad is casilaad ah oo ka timid guddoomiyihii Golaha Shacabka Prof Maxamed Cismaan Jawaari.

Wasiirka Dastuurka Somaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil ayaa bartiisa xidhiidhka Bulshada ku soo qoray in Gudoomiye Jawaari uu iscasilay, sidaasi awgeedna uu ku buray Mooshinkii Gudoomiyaha laga soo gudbiyay.

Sidoo kale Xildhibaan Aadam Isaaq oo ka tirsan Golaha Shacabka Somaliya, ayaa dhankiisa xaqiijiyay inuu iscasilay Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya.

Xildhibaannada oo maanta u balansanaa in ay ka doodaan mooshinka ka dhanka ahaa guddoomiyaha ayaamar kaliya ka war helay qoraalka ka soo baxay Prof Jawaari oo sheegay in uu iska casilay xilkii guddoonka Golaha Shacabka.

 

Iscasilaada Gudoomiye Jawaari ayaa timid, kadib markii xalay saqdii dhexe wada hadal ay wada qaateen Madaxweynaha Somaliya Maxamed C/laahi Farmaajo iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya, iyadoo Jawaari lagu qanciyay inuu iscasilo.

Xildhibaanada Golaha Shacabka Somaliya qaarkood ayaa soo dhaweeyay tallaabada Gudoomiye Jawaari uu ku qaatay tanaasulka ku aadan iscasilaada.