Muqdisho:- Isku socodka dadka iyo gadiidka Muqdisho oo caadi ku soo laabtay.

0
Monday April 09, 2018 - 12:15:09 in by salman abdi
  • Visits: 630
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muqdisho:- Isku socodka dadka iyo gadiidka Muqdisho oo caadi ku soo laabtay.

    Muqdisho:- Isku socodka dadka iyo gadiidka Muqdisho oo caadi ku soo laabtay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho:- Isku socodka dadka iyo gadiidka Muqdisho oo caadi ku soo laabtay.

Xili Kulankii la wada sugayay ee golaha Baarlamaanka Soomaaliya uu baaqday maanta islamarkaana gudoomiye Jawaari uu Iscasilay ayaa waxaa dib loo furay guud ahaan wadooyinka magaalada Muqdisho, oo xalay ilaa saakay xernaa.

Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka ayaa xalay waqti dambe xiray inta badan wadooyinka Magaalada Muqdisho, maadaama la filayay in maanta uu dhaco kulanka Baarlamaanka oo codka kalsoonida loogu qaadi lahaa gudoomiye Jawaari, balse inta uusan kulanka furmin ayaa waxaa soo baxay war sheegayo in uu is casilay gudoomiye Jawaari.

Kaddib markii uu warkaasi soo baxay ayaa durbo waxaa bilaabatay in ciidamada laga qaaday wadooyinkii ay xireen, taasoo shacab badan oo xirnaashaha dhib ku qabay ay soo dhaweeyeen waxaana hada dib u soo laabtay isu socodka gaadiidka dadweynaha.

Si kastaba shacabka gobolka Banaadir ayaa dhibaato Xoogan ku qabay Xaaladaha Cakiran ee Siyaasada dalka taasoo 14kii bishii March u soo bilaabatay ka dib mooshinkii ka dhanka ahaa Gudoomiye Jawaari iyadoona ay u sii dheereed xernaashaha caadada ka noqotay wadooyinka Magaalada Muqdisho wallow ay ilaa hada jirin cid ka hadashay warkan Iscasilaada gudoomiye Jawaari.