Hargeisa:- Siyaasi Cabdiqaadir Obsiiye Oo Ku Baaqay In Dadka Fidnada Gobolka Sanaag Kiciya Halkooda Lagu Toogto.

0
Monday April 09, 2018 - 13:28:23 in by salman abdi
  • Visits: 498
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargeisa:- Siyaasi Cabdiqaadir Obsiiye Oo Ku Baaqay In Dadka Fidnada Gobolka Sanaag Kiciya Halkooda Lagu Toogto.

    Hargeisa:- Siyaasi Cabdiqaadir Obsiiye Oo Ku Baaqay In Dadka Fidnada Gobolka Sanaag Kiciya Halkooda Lagu Toogto.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa:- Siyaasi Cabdiqaadir Obsiiye Oo Ku Baaqay In Dadka Fidnada Gobolka Sanaag Kiciya Halkooda Lagu Toogto.

Siyaasi Cabdiqaadir Cali Obsiiye oo ka mid ah siyaasiyiinta waaweyn ee Somaliland ayaa si adag uga hadlay Colaadda soo noqnoqota ee Gobolka Sanaag halka uu xukuumadda ugu baaqay in haddii ay waxba ka qaban kari wayday qiimo dhaca shilinka Somaliland ay dadka wax ka qabanaya kaashato isaga oo dhinaca kalena siyaasigu xukuumadda ku booriyey in ay soo dhawayso cid kasta oo doonaysa in ay Somaliland maal-gashato oo dekedo iyo saldhigyo ka samaysato gaar ahaan Ruushka uguna baaqay xukuumadda in ay qiimo wanaagsan dalka uga soo xerayso heshiisyada caalamiga ah oo aanay degdegin.


Siyaasi Cabdiqaadir Cali Obsiiye (Madaxweynaha Mustaqbalka) oo ah siyaasi Madax bannaan inta badana danta dalka ka hadla mar walba ayaa waxa uu yidhi: "In badan baan dagaalkaasi soo noqnoqonaya ee Gobolka Sanaag ka hadlay salaadiin iyo cid walibana ka hadashay waana nasiib darro. Ninbaa geella si wanaagsan u yaqaanay markaasaa la doonay in la imtixaamo. Kadib bir baa hal lagu soo riday markaasaa loo keenay oo lagu yidhi hashan daawee, markaasuu yidhi waar hashu maankayga gaddee ma maansaar bay liqday. Sidaasaanu ku gartay cilladda. Dagaalkan soo noqnoqonaya ee intaasoo jeer la isku noqnoqonayo iyada oo la isku dhaarinayo kolba wallee waa yaab iyo nasiib darro aynaan hore u arag. Rasuulku waxa uu yidhi Ilaahay ha nacdalo qofka toosiya ama kiciya fitnada oo huruda. Waxa dhibaato weyn ah in kolba fitnadii la kiciyo. Qofkaa fitnada kiciyay waxa lagama maarmaan ah wuu nacdalan yahaye in bartaa lagu khaarajiyo oo lagu dilo ayaa xal ah isaga iyo ciddii kale ee la socotaba. Soomaalidu waxa la yidhi kal baqata ayay leedahay ee kal xishoota ma leh. Taasi ayaa xal ah oo ay sheekadaasi ku soo afjarmaysaa laakiin haddii kolba odayaal iyo madax dhaqameed loo diro in badan baa lagu celcelinayay oo ay waxba ka tari waayeen. Waxaan leeyahay oo aan ku talinayaa in arrintaa gacan bir ah lagu qabto. Dadka fidnadaasi kolba bilaabayaa way nacdalan yihiin innaga dhaartaasi way inna saamaynaysaa, waa in halkooda lagu toogtaa iyaga iyo ciddii la socotaba”.
Dhinaca kale siyaasi Cabdiqaadir Cali Obsiiye waxa uu ka hadlay danaynta Ruushka iyo adduunka kaleba danaynayo Somaliland waxaanu yidhi: "Waxaa igu maqaalo ah in Ruushku danaynayo in uu ku soo laabto saldhiggii uu Berbera ku lahaan jiray iyo Somaliland intaba waxaan leeyahay waa in la soo dhaweeyaa isaga iyo Turkigaba waa in aynu soo dhawaynaa. Qadar Dekedda yar ee ay Suudaan ka dhisayso waxa ay ku bixinayaan 5 Bilyan oo Dollar halka ay 500 oo Milyan Xaqul qalin u siiyeen, innagana Imaaraadku 400 oo kun ayuu innagu cuna-qabateeyeen. Wax isku dhigma maaha 5 Bilyan iyo 4-boqol oo kun wax isku dhigma maaha. Soomaalidu waxa ay tidhaa waan baahanahay looma bahalo cuno wakhtigani waa wakhtigeenii ee degdegga badan ha la iska daayo halka dantu innoogu jirtana aan ka dhacsano. Waddankaanu waxa uu ku yaallaa goob istaraatiiji ah waxaana ku duugan oo aan wali daboolka laga qaadin macdantiisii iyo khayraadkiisii sidaa darteed adduunku maanta isaga ayaa innoo baahan. Waa in aan ka faa’iidaysanaa fursaddaasi”.
Madaxweynaha Mustaqbalku waxa uu mar kale ka hadlay dhibaatada qiimo dhaca shilinka iyo sida aanay xukuumaddu ugu guulaysan in ay wax ka qabato waxaanu yidhi: "Sicir bararkan loo taag la’yahay iyo Shilinkan maalinba maalinta ka dambaysa sii qiimo dhacaya. Horta xukuumadda ma jecli in lagu degdego oo shan bilood bay maraysaa muddoda ay joogtaa laakiin waxaan anigu taaganahay haddii ay xukuumaddu u taag waydo illayn ceeb ma aha in qofku wax qaban kari waayaaye laakiin waxa ceeb ah in uu isku sii dhejiyo waxa uu qaban kari waayo waxaana habboon in ciddii wax ka qaban karaysa jaaniska la siiyo. Ninkii Aw Xasan Sheekh la odhan jiray ayaa waxa ay saaxiib ahaayeen nin Bidhibidhi la odhan jiray. Labaduba reer Burco ayay ahaayeen. Aw Xasan Sheekh nin xikmad badan buu ahaa. Dagaalkii 1977-kii ayaa ninkaa Badhabadha la odhan jiray laba askari soo kaxaystay oday wayna wuu ahaa. Wuxuu yidhi kaalaya aniga I raafa. Ninkaa Aw Xasan ee aannu saaxiibka nahay baan wax ka doonaynaaye waxaad tidhaahdaan waan soo raafnee adna kac. Ninkii oo labadii askari wata ayaa soo dul is taagay Aw Xasan, waxaanu ku yidhi Aw Xasanow waataa aniga la I wado ee la I raafay dee adna soo kac. Markaasuu Aw Xasan yidhi waar miyay innagana ina soo gaadhay?. Wuxuu yidhi sawdigaa arkaba in la I wado ee askartu inna dul taagan tahay. Markaasuu yidhi dee haddaa aan is dhiibno mar haddii ay innaga ina soo gaadhay. Markaa xukuumadda waxaan leeyahay waar is dhiiba. Waxa aynu u baanahay in aynu wax ka qabano oo iska kaashano sidii aan qiimo dhaca shilinka wax badan uga qaban lahayn waayo umaddii way curyaantay oo khalaas bay taagan tahay. Sicir barar iyo qiimo dhac shilin baa isugu darsamay, xukuumaddu waa in ay xal degdeg ah oo kama dambays ah la timaaddaa”.
Ugu dambayn siyaasi Cabdiqaadir Cali Obsiiye waxa u xukuumadda ugu baaqay in la qabto biyaha badda innaga galaya sannad walba waxaanu yidhi: "Waxa aynu galnay wakhtigii xilli-roobaadka waxaana loo baahan yahay in aan ka faa’iidaysanno biyahaa roobka ee maalin walba qulqulaya. Caqliga ma galayso oo bani aadam fekerayaa way innala yaabayaan oo rumaysan maayaan dadka biyahaasi hor marayaan ayaa berri ka maalin oon u dhimanaya. Dadkaa biyuhu hortooda durdurayaan ee ay gaadiidka iyo dadka maalin walba innaga qaadayaan ee haddana aynu berri ka oomanahay ee aynu caalamka u qayshanayno, adduunku wuu inala yaabayaa. Caqliga saliimka ahi ku siin maayo in dadku iska taagnaadaan biyuhuna sidaa innagu dhaafaan berrina aynu qaylino oo harraad u dhimano. Waar biyo xidheennada waxyar baa ku baxaya ee halaga faa’iidaysto. Biyahaa togaga burqanaya ha la qabto. Annaga barnaamijkayaga siyaasadeed waxa noo qorshaysan haddii Ilaahay nagu guuleeyo. Biyaha qabashadoodu way sahlan tahay marka laga hadlayo dooxyadee. Kuwa magaalada oo kali ah ee guryaha ka dhacaya ee majaroorku samaynayo ayaanu majarooro iyo berkado u samayn doonaa oo aanu qaban doonaa si sannadka oo dhan loo qabto inta dib loo daaweeyo oo dib loo isticmaalo. Dawladda hoosena intaasi ayaan u soo jeedinayaa in ay dadka uga faa’iideeyaan”.
Halkan Ka Daawo Shirka Jaraa’id Ee Siyaasi Obsiiye: