Qandala:- Diyaarado Duqeyn Ka Geystay Deegaanno Ka Tirsan Maamulka Puntland.

0
Tuesday April 10, 2018 - 08:57:21 in by salman abdi
  • Visits: 627
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qandala:- Diyaarado Duqeyn Ka Geystay Deegaanno Ka Tirsan Maamulka Puntland.

    Qandala:- Diyaarado Duqeyn Ka Geystay Deegaanno Ka Tirsan Maamulka Puntland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qandala:- Diyaarado Duqeyn Ka Geystay Deegaanno Ka Tirsan Maamulka Puntland.

Duqeyn ay geysteen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa la sheegay in xalay saqdii dhexe lagu qaaday fadhiisimo ay ku leeyihiin ururka Daacish meel ku dhow degmada Qandala ee maamul gobolleedka Puntland.


Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in duqeyntan ay ka dhacday tuullo lagu magacaabo Dhaadaar oo ka tirsan Qandala halkaa oo ay ku sugan yihiin maleeshiyaadka daacada u ah Sheekh Cabdulqaadir Muumin.
Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta inay xalay saqdii dhexe maqleen dhowaaqa duqeyn cirka ah oo lala beegsanayay deegaano ay ku sugnaayeen ururka Daacish.
Maamulka Puntland ayaan weli wax war ah ka soo saarin duqeyntan oo la sheegay inay fuliyeen diyaardo dagaal. Sidoo kale, ma cadda khasaaraha iyo shaqsiyaadka lala bar-tilmaameedsaday duqayntan.