Burma: Askar Loo Xukumay Dilka Muslimiinta Rohinga.

0
Wednesday April 11, 2018 - 11:33:51 in by salman abdi
  • Visits: 602
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Burma: Askar Loo Xukumay Dilka Muslimiinta Rohinga.

    Toddobo askari oo reer Myanmar ah ayaa xabsi loogu xukumay gacantii ay ku lahaayeen dilkii sannadkii hore loo gaystay 10 nin oo Muslimiinta Rohingya ka mid ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Toddobo askari oo reer Myanmar ah ayaa xabsi loogu xukumay gacantii ay ku lahaayeen dilkii sannadkii hore loo gaystay 10 nin oo Muslimiinta Rohingya ka mid ah.


Waar qoraal ah oo milatariga ka soo baxay ayaa lagu sheegay in ay 10 sano oo xabsi ah adag ah gali doonaan, iyaga oo ku mutaystay ” in ay gacan ka gaysteen kana qayb qaateen dil”.


Ciidammada ayaa markii ugu horraysay qirtay in ay ku luglahaayeen dilka sannadkan horraantiisii.

Myanmar ayaa lagu eedeeyay in ay hawlgallo isir sifayn ah ka samaysay gobolka Rakhine.

Afar sarkaal iyo saddex askari oo kale ayay maxkamadda milatarigu ku heshay dambi ka dib markii ay ku lug yeesheen dil ka dhacay tuulada Inn Din, sida lagu soo qoray war ka soo baxay milatariga oo la soo dhigay boggooda Facebook-ga.

Dilkaas waxaa baaritaan ku sameeyay labo saxafi oo ka socday wakaaladda wararka ee Reuters, kuwaas oo isla markiiba la qabtay ilaa haddana xabsi ku jira.

Maxkamad ku taalla Myanmar ayaa Arbacadii diiday codsi lagu doonayay in lagu laalo dacwadda ka dhanka ah labada saxafi ee kala ah Wa Lone iyo Kyaw Soe Oo.

In kabadan 650,000 ruux oo qawmiyadda Rohingya ka mid ah ayaa u firxaday dalka ay dariska yihiin ee Bangladesh tan iyo markii ay rabshaduhu ka qarxeen gobolka Rakhine bishii Agoosto ee sannadkii hore, waxaana halkaas laga soo sheegay dilal wadareedyo, kufsi iyo jirdil.

Waxaa lagu eedeeyay milatariga oo gacan ka helaya kooxo deegaanka ah oo diinta Buddhist-aha aaminsan.

Milatariga Myanmar ayaa diiday in uu bartilmaameedsaday shacabka, wuxuuna sheegay in uu la dagaalamay malayshiyada Rohingya oo kali ah.