Hargaysa:-"Somaliland Maalin Walba Horumar Ayay Samaynaysaa, Ictiraafka Ayaanay Ku Sii Dhawaanaysaa" Dr Edna Adan

0
Wednesday April 11, 2018 - 11:38:56 in by salman abdi
  • Visits: 606
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargaysa:-"Somaliland Maalin Walba Horumar Ayay Samaynaysaa, Ictiraafka Ayaanay Ku Sii Dhawaanaysaa" Dr Edna Adan

    Telefishanka caalamiga ah ee Faransiiska France 24 ayaa waraysi la yeeshay Dr Adna Aadan Ismaaciil waxaana wax laga waydiiyay xaaladda siyaasadeed ee Somaliland iyo xiisadda ka aloosantay heshiisyada Somaliland la gashay Imaraadka Carabta. Marwo Adna

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Telefishanka caalamiga ah ee Faransiiska France 24 ayaa waraysi la yeeshay Dr Adna Aadan Ismaaciil waxaana wax laga waydiiyay xaaladda siyaasadeed ee Somaliland iyo xiisadda ka aloosantay heshiisyada Somaliland la gashay Imaraadka Carabta. Marwo Adna ayaa ammaantay heerka Somaliland marayso waxaanay dhalliishay Soomaaliya.



Dr Adna ayaa ugu horayn la waydiiyay in Somaliland ku sii dhawaanayso citiraafka iyo in kale waxaanay ku jawaabtay "Haa, dabcan maalin walba horumar ayay samaysa Somaliland, waxay samaysa horumar, waxay hesha maalgalin, waxa ku soo noqda qurbejoogtooda oo ganacsiyo ka yagleesha qoysaskoodana soo celiya, waxaanay Somaliland maalin walba tusta caalamka in ay tahay dal shaqaynaya oo u qalma in lagu citiraafo horumarka uu samaynayo, iyada oo la eegayo muddada uu Soomaaliya ka sii maqna ee ah 28 sanno.”

Dr Adna Aadan oo la waydiiyay heshiiska Imaaraadka ee Soomaaliya diidan tahay waxay sheegtay in Soomaaliya la soo taagnayd waligeedba diidmada horumarka Somaliland, islamarkaana Somaliland la xidhiidhayso meel kasta oo ay danaheeda ganacsi ka dhex aragto.

Dr Adna Aden Dhakhtar waxa la waydiiyay in hoggaannada dhawaan la doortay ee Somaliland iyo Somalia wax ka bedeli doonan xidhiidhka labada dal siiba wada hadalka nabadeed waxaanay ku jawaabtay "Taas maya, maxaa yeelay wali Somalia waxay sii wadda mawqifkeeda ah in Somaliland qayb ka mid ah Somalia tahay taas oo aan xaqiiq ahayn.Somaliland iyo Somalia waxay ahaayeen laba dal oo kala madax bannaan oo iskood u midoobay waxaa jira dalal iyo shirkaddo midooba, waxay ahayd midaw iskii ah oo aan dalna dal qabsan, midawgaasna ma shaqayn, markii Somaliland go’aansatay in ay ka noqoto midawga waxa diidan Somalia oo istaagtay sidii oo ay leedahay Somaliland taas oo aanay xaq u lahayn.”