Hargeisa:- Guddida Qaban-qaabada Munaasibadda 18-ka May oo Kulankoodii ugu horreeyey Yeeshay Madaxwenaha Iyo Arimaha Ay Ka Wada Hadleen.

0
Wednesday April 11, 2018 - 13:11:17 in by salman abdi
  • Visits: 506
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargeisa:- Guddida Qaban-qaabada Munaasibadda 18-ka May oo Kulankoodii ugu horreeyey Yeeshay Madaxwenaha Iyo Arimaha Ay Ka Wada Hadleen.

    Hargeisa:- Guddida Qaban-qaabada Munaasibadda 18-ka May oo Kulankoodii ugu horreeyey Yeeshay Madaxwenaha Iyo Arimaha Ay Ka Wada Hadleen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa:- Guddida Qaban-qaabada Munaasibadda 18-ka May oo Kulankoodii ugu horreeyey Yeeshay Madaxwenaha Iyo Arimaha Ay Ka Wada Hadleen.

Xafiiska Af-hayeenka Madaxweynaha JSL

Taariikh: 10/04/2018

War-saxaafadeed

 

Guddida Qaban-qaabada Munaasibadda 18-ka May oo Kulankoodii ugu horreeyey Yeeshay

 

Guddida qaban-qaabada xuska munaasibadda qaran ee 18-ka May, ayaa maanta gelinkii danbe ku yeeshay kulankoodii ugu horreeyey ee la xidhiidha dardargelinta hawlaha hor yaalla.

 

Guddidan oo uu dhawaan magacaabay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa kulankoodii ugu horreeyey ku yeeshay xarunta qasriga madaxtooyada, waxaana shir-guddoominayey madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaiil (Saylici), kulankaasina waxa diiradda lagu saaray sdii ay guddi ahaan u dardargelin lahaayeen hawsha qaban-qaabada munaasibadda qaran ee 18-ka May.

 

Xubnaha guddida, ayaa kulankooda ku faaqiday sidii ay u diyaarin lahaayeen munaasibadda qaran ee 18-ka May, isla markaana dalka looga qaban lahaa munaasibado si heersare ah u abaabulan oo lagu weynaynayo goonni isu-taagga Jamhuuriyadda Somaliland, waxaana ay si waafi ah uga doodeen waxyaabaha ay guddi ahaan door bidayaan in lagu weynayn karo munaasibaddan.

 

Gebogebadii guddidu waxa ay isla qaateen inay fadhiyo dambe isugu yimaadaan, si ay u hirgeliyaan munaasibad heerkeedu sarreeyo, isla markaana shacabka reer Somaliland ka dhaadhiciyaan inay ka qayb-qaataan xuska maalinta qaran ee 18-ka May ee foodda inagu soo haysa.

 

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Afhayeenka Madaxweynaha JSL.