Hargeisa:- Maareyaha Hayaada Duulista Hawada Somaliland Oo Ka Cararay Warbaahintii Iyo Sababta Ka Danbaysa.

0
Wednesday April 11, 2018 - 13:52:26 in by salman abdi
  • Visits: 475
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargeisa:- Maareyaha Hayaada Duulista Hawada Somaliland Oo Ka Cararay Warbaahintii Iyo Sababta Ka Danbaysa.

    Hargeisa:- Maareyaha Hayaada Duulista Hawada Somaliland Oo Ka Cararay Warbaahintii Iyo Sababta Ka Danbaysa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa:- Maareyaha Hayaada Duulista Hawada Somaliland Oo Ka Cararay Warbaahintii Iyo Sababta Ka Danbaysa.

Maareeyaha hay’adda Duulista Iyo Maamulka Garoomada diyaaradaha Somaliland Cabdi Maxamed Rodol ayaa maanta kulan la yeeshay guddida dabo galka iyo ilaalinta Hantida Qaranka ee golaha wakiiladda Somaliland.


Cabdi Maxmed Rodol ayaa orod ku dhaafay Saxafiyiintii Goobta ku sugnayd, waxaana uu ku gaabsaday in ay ahayd yeedhmo kali ah balse ay waydiiyaan guddidii uu kula kulmay waxyaabihii ay ka wada hadleen
Kulankan oo aan warbaahinta loo ogolayn ayaa markii uu soo dhamaaday waxa ay warbaahintii xarunta ku sugnayd u holatay in ay wax ka weydiiso maareeye Rodol bal waxyaabaha ugu waaweyn ee ay ka wada hadleen guddidaasi.

"iyaga ayaa ii yeedhayoo kulan



caadi ah buu ahaa, iyaga ayaana idiin faahfaahin doona” ayuu isaga oo soconaya uu yidhi.

 

Mid ka mid ah suxufiyiinta ayaa waydiiyay bal in uu jiro wax musuqmaasuq ahi, maadama ay u yeedheen guddida dabo galka iyo ilaalinta hantida qaranka ee golaha wakiiladda Somaliland "Mayee waxa ay ahayd xog waraysi guud uun” ayuu si kooban u yidhi.

Mar la waydiiyay bal halka ay ku dhacaan lacagaha laga qaado dadka wata baabuurta soo gasha garoonka diyaaradaha , Maareeye Rodol isaga oo si degdeg ah u fuuliay baabuurkii uu la socday ayaa waxa uu ku jawaabay "Khayrbaynu isku ognahay” ayuu yidhi.