Dagaalka afka ee u dhaxeeya Ruushka iyo Mareykanka ayaa saacadihii la soo dhaafay sii xoogeystay, kaddib markii diblomaasi Ruush ah uu ku goodiyay inay soo ridi doonaan gantaalo kasta oo lagu soo rido Suuriya.
Arrintan ayaa ka dambeysay markii Mareykanka uu ku hanjabay inuu gantaalo la dhici doono goobaha Kiimikada ee Suuriya, kaddib weerarkii Sabtidii ka dhacay magaalada Douma oo loo adeegsaday Kiimiko
Donald Trump ayaa u sheegay Ruushka inay u diyaar garoobaan gantaalada lagu garaaci doono Suuriya, kaasoo jawaab u ah weerarkii kiimikada ahaa ee duqeeyay magaalada Douma.
Sarkaal sare oo ka tirsan Ruushka ayaa ugu hanjabay Mareykanka inay la kulmi doonaan jawaab weerar kasta oo ay soo qaadaan.
Madaxweynaha Suuriya Bashar Al Asad ayaa beeniyay in aanay ka dambeyn weerarkii kiimikada ahaa ee sabtidii lagu qaaday magaalada Douma.
Suuriya ayaa xilligan taageero milateri ka heleysa Ruushka oo saldhig ku leh dalkaas, waxaana reer galbeedka iyo Ruushka ay aad isugu hayeen arrinta Suuriya.
Mareykanka Iyo Ruushka Oo Farriimo Hanjabaad Ah Hawada Isu Mariyay