Hargaysa:-Madaxwayne Muuse Oo Maanta Kulan La Qaadanaya Ganacsatada Iyo Badeecooyin Lagala Soo Degay Boosaaso Oo Dalka Soo Gaadhay.

0
Thursday April 12, 2018 - 14:07:05 in by salman abdi
  • Visits: 509
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargaysa:-Madaxwayne Muuse Oo Maanta Kulan La Qaadanaya Ganacsatada Iyo Badeecooyin Lagala Soo Degay Boosaaso Oo Dalka Soo Gaadhay.

    Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo qaar ka mid ah Ganacsatada waaweyn iyo kuwa dhexe ee Somaliland ayaa la filayaa in ay maanta oo Khamiis ah kulan gaar ah jilbaha is dhigaan kadib Cabashadii ay maalmihii ugu dambeeyey qabeen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo qaar ka mid ah Ganacsatada waaweyn iyo kuwa dhexe ee Somaliland ayaa la filayaa in ay maanta oo Khamiis ah kulan gaar ah jilbaha is dhigaan kadib Cabashadii ay maalmihii ugu dambeeyey qabeen

guud ahaanba Ganacsatada waddanku kadib markii ay si weyn uga gadoodeen ku dhawaad 40% Tacriifad u dhiganta oo la Kordhiyay cashuurtii Badeecadaha Kasoo Dega Dekada Berbera iyo korodhka xukuumaddu ku samaysay qiimihii ay ku sarrifi jirtay doollarka.


Ilo-wareedyo u dhuun-daloola kulankan ayaa Wargeyska Foore u xaqiijiyey in maanta oo Khamiis ah Ganacsatadu kulan gaar ah la yeelan doonaan Madaxweynaha kadib cabashadii xoogganayd ee ay ka muujiyeen tacriifaddii cusbayd iyo qiimaha lacagtii ay xukuumaddu Doollarka ku sarrifi jirtay waxaana la filayaa in kulankaasi labada dhinac mid kastaa xujadiisa la yimaaddo iyada oo ay imika aad u kala fog yihiin.

 

Xukuumadda ayaa la sheegay in ay ku adkaysanayso go’aankeeda halka Ganacsataduna ay ku hanjabeen in ay gabi ahaanba joojin doonaan in ay dekedda wax kala soo degaan iyada oo khilaafkani maalmihii ugu dambeeyey uu saameeyey Dekedda Berbera oo aanay Ganacsatadu badeecooyinkoodii cashuuran halka la sheegay in alaabo badan kala soo degeen Dekedda Boosaaso.

Khilaafka cakiran ee xukuumadda iyo Ganacsatada u dhaxeeya ayaa yimid markii ay toddobaadkan xukuumaddu soo saartay Go’aan ay ku kulmisay laba arrimood oo kala ah Tacriifad Cusub oo la Kordhiyay, waxaana Kor Loo Qaaday Qiimahii ay wasaaradu wax ku Cashuuri Jirtay ee sarifka Lacagta Dollarka ah ee Cashuurta Lagu qaado oo hore u ahaan Jiray halkii doollarba 5000 oo S/land shilin ah halka ay Toddobaadkan xukuumaddu ka dhigtay 7000 oo Somaliland shilling ah.

Ganacsatada ayaa ku doodaysan in Tacriifaddaasi u dhiganto 40% oo la Kordhiyay cashuurtii Badeecadaha Kasoo Dega Dekadda Berbera, marka Laga Reebo raashinka oo Isaga La Kordhiyay 20%. Tallaabadan ay xukuumaddu qaaday ayaa keentay in ganacsato badani iyaguna badeecooyinka daruuriga ah bulshada ku kordhiyeen taasi oo culays weyn ku sii kordhisay shacabka danyarta u badan ee reer Somaliland oo marka horeba la daalaa dhacayay culayska sicir bararka iyo qiimo dhaca shilinka Somaliland.

Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaadhay Dekedda Berbera ayaa tibaaxaya in aanay Ganacsatadu maalmihii ugu dambeeyey wax alaabo ah cashuuran iyada oo badeecooyinkooda ku sugan dekedda ay ku socoto wakhtiga ay yaallaan oo ay ku sii kordhi karaan cashuuro kale balse ay sheegeen in aanay aqbali Karin tallaabooyinkan ay Wasaaradda Maaliyaddu soo rogtay.

 

Foore