Hargeisa:- Maayar Soltelco Iyo Xildhibaanno Golaha Deegaanka Ah Oo Kulan La Qaatay Xoghaye Uurcadde Iyo Arimaha Ay Ka Wad Hadleen
Warar iyo xogo kala duwan ayaa tibaaxay inay masuuliyiinta ka tirsan xisbiga KULMIYE iyo Xukuumadiisa ay qandaraas ku soo qaateen sidii ay xisbiga WADDANI u burburin la hayaan, iyagoo adeegsanay ashkhaash ka tirsan xisbiga Waddani ama xilal ka haya waxaana kamid ah masuuliyiinta ay u adeegsanayaan ee ka tirsan xisbiga waddani Xoghayaha Uurcade .
Xogahan aanu ka helnay illo wareed-yo rasmi ah, ayaa sheegay in khilaafkan uu abuuray Xoghayahe Urcade ay dabada ka riixayaan xubno ay xukuumaddu u igmatay oo hormood u yahay maayar soltelko xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka iyo nin magaciisa lagu sheegay Axmed Faarax Xarbi .
Waxa kale oo xoguhu intaas ku dareen in xubnahani ay kulamo la yeesheen Xoghaye u Uurcade, kuwaas oo la sheegay inay ahaayeen kuwo ay ku dhisayeen xeelado cusub oo la doonayo in khilaaf looga dhex huriyo WADDANI iyadoo ay ku dhiirigeliyeen Xoghayaha u Uurcade nuxurka sida uu u waddo Howsha ay u igmadeen.
Docda kalen xubnahan la sheegay inay kulanka ay la yeesheen Uurcade ay u dhiibeen qadar lacageed oo ay ugu talogaleen inay qayb ka noqoto dedaallada kor loogu qaadayo dhaq-dhaqaaqyada xisbiga ka dhanka ah.
Geesta kalena xukuumadda Madaxweyne Biixi ayaa u tafaxaydatay sidii ay u burburin lahayd xisbiga waddani, waxaanay hadda ka dhex curisay xisbiga waddani khilaaf ay qarash ku bixinayso iyadoo adeegsanaysa xubno xisbiga ka tirsan.
Hargeisa:- Maayar Soltelco Iyo Xildhibaanno Golaha Deegaanka Ah Oo Kulan La Qaatay Xoghaye Uurcadde Iyo Arimaha Ay Ka Wad Hadleen
Hargeisa:- Maayar Soltelco Iyo Xildhibaanno Golaha Deegaanka Ah Oo Kulan La Qaatay Xoghaye Uurcadde Iyo Arimaha Ay Ka Wad Hadleen