Congo-DRC Koongo oo diidday deeq loo aruurin lahaa.

0
Saturday April 14, 2018 - 08:11:33 in by salman abdi
  • Visits: 606
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Congo-DRC Koongo oo diidday deeq loo aruurin lahaa.

    Congo-DRC Koongo oo diidday deeq loo aruurin lahaa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Congo-DRC Koongo oo diidday deeq loo aruurin lahaa.

Jamhuuriyadda dimuquraadiga ah ee Koongo ayaa qaadacday shir samafal ah oo qaramada midoobay ay ugu qaban lahayd magaalada Geneva, shirkaas oo lagu doonayey in dalkaas loogu aruuriyo lacag gaaraysa $1.7 Bilyan.

Qaramada midoobay ayaa sheegaysa in dad ka badan 13 milyan oo reer Koongo ah ay u baahan yihiin gargaar bini aadanimo, ayadoo qaramada midoobay ay xaaladda dalkaas ku tilmaantay xalad bini-aadanimo oo ba'an.

Hase ahaatee dawladda DRC Koongo ayaa sheegaysa in qaramada midoobay ay arrinta buunbuuninayso oo ay u yeelayso baaxad ka balaadhan dhibaatada dhabta ah ee dalkaas ka jirta.

Hay'adaha samafalka ayaa sheegaya in dad gaaraya 4.5 milyan ay si khasab ah guryahoodii uga carareen sababo la xiriira rabshado, macaluul iyo xasilooni darro. Tobonaan kun oo ah qaxooti Koongo u dhashayna ay ka tallaabeen soohdinta dalka Uganda.

Jamhuuriyadda dimuquraadiga ah ee Koongo ayaa hodon ku ah macdanta iyo khayraad kale, balse waxaa saamayn xun ku yeeshay isku dhacyo hubaysan, musuqmaasuq iyo xiisado siyaasadeed.

Qaramada midoobay oo arrintaas ka jawaabaysa ayaa ku dhawaaqday in dhibaatada biniaadanimo ee dalkaas kajirta ay marayso heerka saddexaad, kaas oo ah heerka ugu sarreeya xaaladda dagdaga ah.

Tobonaan kun oo ah qaxooti Koongo u dhashay oo ka tallaabay soohdinta dalka Uganda.Lahaanshaha sawirkaAFP
Image captionTobonaan kun oo ah qaxooti Koongo u dhashay oo ka tallaabay soohdinta dalka Uganda.

" Tani waxay ka sarraysaa xaaladda ka taagan dalalka Yemen iyo Suuriya marka la eego tirada dadka baahida daran qaba" ayuu yiri Jan Egeland oo ahaa madaxii hore ee xafiiska xaaladaha bini-aadanimo ee dagdaga ah, kaas oo hadda madax ka ah hay'adda Norwegian Refugee Council asagoo hadda kasoo noqday safar shaqo oo uu ku tagay jamhuuriyadda dimuquraadiga ah ee Koongo.

Waxa uu sheegay in bulshada caalamku ay iska ilowday dhibaatada ka taagan dalka Jamhuuriyadda dumuquraadiga ah ee Koongo.

Balse dawladda Koongo ayaa diiday qiimaynta ay qaramada midoobay ka samaysay dalkaas, waxayna u aragtaa heerka xaaladda la gaarsiiyey inuu yahay mid laga badbadiyey.

Tobonaan kun oo ah qaxooti Koongo u dhashay oo ka tallaabay soohdinta dalka Uganda.Lahaanshaha sawirkaAFP
Image captionTobonaan kun oo ah qaxooti Koongo u dhashay oo ka tallaabay soohdinta dalka Uganda.