Caalamka:- Dagaal saddexaad miyaa dunida ka qarxi doona.

0
Saturday April 14, 2018 - 08:11:33 in by salman abdi
  • Visits: 782
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Caalamka:- Dagaal saddexaad miyaa dunida ka qarxi doona.

    Caalamka:- Dagaal saddexaad miyaa dunida ka qarxi doona.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Caalamka:- Dagaal saddexaad miyaa dunida ka qarxi doona.

Dagaallada ka taagan dalka Suuriya ayaa horseeday in quwado waawayn ay faraha lasoo galaan xaaladda dalkaasi.

Warbaahinta dunida ayaa baryahan hadal haysa xiisadda soo kala dhexgashay dalalka Suuriya, Maraykanka, Ruushka iyo Kuuriyada Waqooyi.

Dalalka gorodda iskula jira ayaa waxay yihiin Ruushka iyo Maraykanka oo taageera ka helaya dalal kale oo reer galbeed ah.

Madaxweyne Trump ayaa dhawaan shaaca ka qaaday in tallaabo ay ku dhaqaaqi doonaan oo looga jawaabayo weerarka dhawaan lagu qaaday magaalada Duuma ee dalka Suuriya halka Xukuumadda Ruushka ay uga digtay Maraykanka inuu tallaabo millitari qaado, haddii kale ay soo ridi doonaan gantaaladooda, islamarkaasna ay duqeyn doonaan halkii laga soo riday.


Maxaa laga filan karaa kulanka Trump iyo Putin?

Dowladda Suuriya waxay sheegtay in la duuqeeyay mid ka mid ah saldhigyadeeda cirka ee ku yaallo dalka Suuriya.

Dagaal saddexaad miyaa dhici kara?

Khuburrada caalamiga ah ee arrimmaha dublumaasiyadda ayaa ku kala aragti duwan in dagaal saddexaad uu jiri karo.

Qaarkood ayaa waxay leeyihiin in suurtogal tahay inuu dunida ka aloosmo dagaal saddexaad , halka kuwo kalena ay qabaan inaan la joogin xilligii dunidan ay wajahi lahayd dagaal wayn.

Steven Tsang agaasimmaha mac-hadka China ayaa waxaa uu qabaa in Kuuriyada Waqooyi ay ku dhawdahay xilligi ay gaari lahayd awoodda hellitaanka quwadda nukliyeerka.

Markabka USS Donald Cook oo ku sugan badda MediterraneanLahaanshaha sawirkaREUTERS
Image captionMarkabka USS Donald Cook oo ku sugan badda Mediterranean

Waxaa la joogaa hadda xilli ay jiraan quwaddo aad u waawayn oo hardamaya dhexdooda, sidaasi waxaa yiri Shashank Joshi oo ah khabiir Koonfurta Aasiya iyo Bariga Dhexe.

Sergey Markov oo ka tirsan mac-hadka siyaasadda ee Moscow ayaa waxaa uu sheegay in hoggaamiyeyaasha reer galbeedka ay ruumaysan yihiin inay ka awood badan yihiin Ruushka.

Lina Khatib oo iyadana ku takhasustay arrimmaha bariga dhexe ayaa waxay sheegtay in dagaallo badan oo jiro ay lugaha kula jiraan dalal caalami ah islamarkaaana xasraddani ay tahay mid la isku xulufaysanayo.

Muxuu ka billawday dagaalka?

Dowladda Suuriyaa ayaa lagu eedeeyay inay hubka kiimikada ku duuqaysay magalaada Duuma ee dalka Suuriya taaso la sheegay in boqolaal qof oo ay carruur iyo haween u badan yihiin ay saameysay.

Warbixin ay soo xigatay ha'yadda caafimaadka dunida ee WHO ayaa lagu sheegay in 500 qof ay saamaysay kiimikada.

Dunida ayaa si weyn u cambaareysay falkan balse Suuriya way beenisay eedeymaha duqaynta magaalada Duuma.

A child is treated at a hospital in Douma, eastern Ghouta in Syria, after a suspected chemical attack (7 April 2018)Lahaanshaha sawirkaREUTERS
Image captionShaqaalaha caafimaadka ayaa sheegay in dadka ku waxyeeloobay weerarkan ay u badnaayeen haween iyo carruur

Maxaa u dambeeyay?

Xoghayaha arrimmaha dibbada ee Ruushka Sergei Lavrov ayaa waxaa uu sheegay in caddayn aanu loo haynin in hubka kimikada lagu weeraray magaalada Duuma.

Dhanka kale, Safiirka Maraykanka ee Qaramada Midoobay, Nikki Haley, ayaa sheegtay in dhiigga carruurta Suuriya uu mas'uuliyadda u ridanayo Ruushka.

Madaxweyanaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa waxaa uu sheegay inay duqaymo la beegsan doonaan goobaha hubka kiimikada ee dowladda Suuriya.

Waxaa uu intaasi ku daray inay caddaymo u hayaan in Xukuumadda Bashar Al Asad ay hubka mamnuuca ah ay u adeegsatay dad rayid ah goobaha mucaaradka ay ku xooggan yihiin.

Xukuummadda Britain ayaa sheegtay inay tallaabo qaadi doonto oo ka dhan ah weerarka hubka kimikada ee Suuriya.