Caalamka:- Wadamada Reer galbeedka oo doonaya in baaritaan lagu sameeyo isticmaalka hubka kiimikada ee Dalka Suuriya

0
Sunday April 15, 2018 - 08:23:18 in by salman abdi
  • Visits: 527
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Caalamka:- Wadamada Reer galbeedka oo doonaya in baaritaan lagu sameeyo isticmaalka hubka kiimikada ee Dalka Suuriya

    Caalamka:- Wadamada Reer galbeedka oo doonaya in baaritaan lagu sameeyo isticmaalka hubka kiimikada ee Dalka Suuriya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Caalamka:- Wadamada Reer galbeedka oo doonaya in baaritaan lagu sameeyo isticmaalka hubka kiimikada ee Dalka Suuriya

Waddamada Mareykanka, Britain iyo Faransiiska ayaa billaabay isku day cusub oo ay ku doonayaan in baaritaan madax-bannaan lagu sameeyo eedeymaha ah in dowladda Suuriya ay isticmaaleyso hubka kiimikada.

Saddexdan waddan oo habeen hore weerar ku qaaday bartilmaameedyo ku yaalla Suuriya ayaa golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey u qeybiyay qaraar qabyo qoraal ah oo ay ku doonayaan in muddo bil gudaheeda ay kooxda caalamaiga ah ee xakameynta hubka kiimikada ay warbixin ka soo saarto eedeymahaasi.

Mareykanka ayaa kal hore ku hanjabay in uu duqeymo dheeraad ah ku qaadi doono gudaha dalka Suuriya, haddii xukuumadda madaxweyne Asad ay sii waddo in ay adeegsato hubka kiimikada ah.

Dhanka kale, milatariga dalka Suuriya ayaa shaaciyay in uu gebi ahaanba la wareegay gobolka bariga Duuma oo ay mucaaradku maamuli jireen.

Fallaagadii ugu dambeysay ayaa basas uga baxay magaalada Duuma, iyagoo ku sii wajahan dhanka woqooyiga dalkaasi Suuriya.

Fallaagada kooxda Jeysh Al-Islaam ayaa ugu dambeyntii la soo dhaafay usbuucii aqbalay in ay isaga baxaan magaaladan, waxaana bixitaankooga uu ku soo beegmaya maalmo kaddib amrkii la sheegay in magaaladaasi uu ka dhacay weerar loo adeegsaday hubka kiimikada.