Hargaysa:-Akhriso Liiska Xil Sugeyaasha Golaha Wakiilada Gobolka Maroodi Jeex Ee Xsbiga Kulmiye
Shabakada Wararka Afkashacabka ayaa soo heshay nuqul ka mid ahi Magacyadda Xil Sugeyaasha Golaha Wakiiladda Somaliland ee Xisbiga Kulmiye ee gobolka Maroodi Jeex.
Magacyadan ayaa waxa hogaaminaya Xuseen Axmed Caydiid oo isaga dhawaan loo dhaarin doono Xubinimadda Golahaasi, ka dib Markii Rabbi Naxariistii janno ha ka waraabiyee uu booskaasi ka dhintay Marxuum Ibraahim Axmed Haybe oo isna gobolka Maroodi Jeex uga soo baxay Xisbiga Kulmiye.
Xuseen Axmed Caydiid ayaa isu diyaarinaya dhaarta Dastuuriga ah ee Maxakamada Sare, waxaanu ka mid yahay siyaasiyiintii ugu cadcadaa wakhtigii Kulmiye uu ku jiray, iminkana waxa uu uga digo rogtay Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani.
Xukuumaddii Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa waxa uu ka soo qabtay Xil Wasiirnimo isaga oo ka soo shaqeeyay Wasaaraddaha Hawlaha Guud iyo Cadaaladda oo uu Wasiir ka ahaan jiray.