Sucuudiga:-Imaaraadka Carabta Oo Joojiyay Guud Ahaanba Tababarkii Uu Siinayay Ciidammada Soomaaliya.

0
Monday April 16, 2018 - 08:34:17 in by salman abdi
  • Visits: 515
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sucuudiga:-Imaaraadka Carabta Oo Joojiyay Guud Ahaanba Tababarkii Uu Siinayay Ciidammada Soomaaliya.

    Sucuudiga:-Imaaraadka Carabta Oo Joojiyay Guud Ahaanba Tababarkii Uu Siinayay Ciidammada Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sucuudiga:-Imaaraadka Carabta Oo Joojiyay Guud Ahaanba Tababarkii Uu Siinayay Ciidammada Soomaaliya.

Dowladda Imaaraadka ayaa sheegtay ayaa sheeegtay in ay gabi ahaanba joojisay tababarkii ay siin jirtay ciidamada dowladda Soomaaliya ee ka socday xeryaha ay ku lahaayeen gudaha dalka Soomaaliya.


Dowladda Imaaraadka ayaa 2014-kii Soomaaliya u soo dirtay Tababarayaal Ciidan, kuwaasi oo tan iyo xilligan tababaro kala duwan iyo qalab Millitari ku taageerayay ciidamada Qaranka Soomaaliya oo dagaal adag kula jira ururka Al-shabaab.
Sababta uu Imaaraadka u joojiyay Barnaamijyadii Tababareed ee Soomaaliya ayaa Wakaaladda ka soo baxda dalkaasi ee WAM waxa ay ku sheegtay inay kaga jawaabeyso lacagtii 9.6 Milyan aheyd ee ciidanka Sirdoonka Soomaaliya ay garoonka diyaaradaha Muqdisho ku qabteen 8-dii bishan.
"Imaaraadka Carabta ayaa go’aansaday in ay tirtiraan barnaamijkooda tababarka Millatari ee Soomaaliya oo bilowday 2014-ka si loo dhiso awooda Ciidamada Soomaaliya oo dagaal adag kula jira Shabaab,” ayaa lagu yiri warka lagu soo daabacay Wakaaladda WAM.
Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay inay horay u tababartay 2407 Askari oo ay bixiyaan mushaarkooda, sidoo kale waxay gacanta ku hayeen Saddex xero tababar iyo xarumo caafimaad oo ku yaalla Muqdisho iyo Puntland.