Hargeysa: Maxaa Muranka Geliyey Xildhibaanimada Xuseen Axmed Caydiid?
Siyaasiga Xuseen Axmed Caydiid oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee Waddani iyo wasiir ku xigeenka warfaafinta Maxamed Muuse Abees ayaa ku muransan kursiga golaha wakiillada ee uu banneeyay Alle ha u naxariistii Marxuum Ibraahin Kacaan oo dhawaan geeriyooday.
Murankan ayaa u muuqda mid la sameeyay waana markii u horeeyay lagu
muransan yahay kursi bannaanaaday maaddaama kaydka xildhibaannadii
tartanka doorashadii 2005 galay isugu xigaan ay u soo kala galaan.
Xuseen Axmed Caydiid ayaa markii booskani bannaanaday u hawlgalay sidii uu u
gali lahaa waxaana muddo lagu arkayay baraha bulshada liis muujinaya in uu
yahay qofka booska buuxinaya iyo hambalyo loo dirayo xildhibaannimadiisa
laakiin, xalay ayaa si lama filaan ah dad madaxtooyada ka agdhaw baraha
bulshada soo galiyeen liis muujinaya in Mr Abees dhibco kooban kaga horeeyo Mr
Caydiid hase ahaatee warqadda waxa ka muuqda in boosaska loo kala bedelay
waxaana lagu ilaabay in Xuseen Axmed Caydiid yahay kaydka shanaad, halka
Maxamed Muuse Abees yahay kaydka lixaad.
Maxaa Muranka Galiyay Xildhibaannimada Xuseen Axmed Caydiid?
Warqadda kale
Maxaa Muranka Galiyay Xildhibaannimada Xuseen Axmed Caydiid?
Arrintan ayaa loo arka mid madaxtooyadu abaabushay.
Xogo Sayruuqnews heshay
ayaa sheegaya in Komishanku u sheegay Xuseen in aanay jirin cid kale oo kursiga
soo doonatay taas oo loo fahmi karo in aanu Maxamed Muuse Abees u xusul
duubnayn kursigan laakiin, madaxtooyadu culays ku saarayso.
Waxa kale oo ay Shebekedda Sayruuqnews helshay xogo ku saabsan in xildhibaan Kijaandhe oo xil looga dhiibi
lahaa xukumadda looga walaacay in booskiisa wakiillada oo bannaanaada uu
buuxinayo Xuseen Axmed Caydiid sidaas awgeedna uu kursigiisa ku fadhiyo.
Arrinta xusidda mudan ayaa ah in aan hore loo arag muran ka dhashay kuraasta
bannaanaysay muddada dheer ee golaha wakiilladu fadhiyeen kuwaas oo ku
bannaanaday xildhibaanno golaha iskaga tagay, kuwo sharcigu ka saaray, kuwo
xilal loo dhiibay ka saareen iyo kuwo geeriyooday laakiin, arrintan ayaa u muuqata
mid ugub ah maaddaama lagu muransan yahay gole muddo xileedkiisu gabogabo
yahay, islamarkaana aan muhiim loo arag galistiisa.
Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde guddoomiyaha ku meelgaadhka ah ee Waddani,
xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacmac) iyo Xildhibaan Mataan Hoorri oo
isku beel ka soo jeeda ayaa ka mid ah xisbiga Waddani taas oo haddii kursigan uu
helo uu ku biiriyo Xuseen Axmed Caydiid. Dadka siyaasadda odorosa ayaa u arka
in miisaanka mucaarad ee golaha wakiillada oo isku degaan ah ay madaxtooyadu
ka hor tagayso.
Sidoo kale Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Xuseen Axmed Caydiid ayaa la
sheega in xafiiltan siyaasadeed waligoodba ka soo dhexeeyay. Xuseen wuxuu ka
mid ahaa siyaasiyiinta meesha adag iska taagay in Biixi noqdo musharrax
madaxweyne markii dambe xilka wasiirnimo iskaga casilay kana tagay Kulmiye.
Dhawr jeer oo saxaafaddu waydiisay Xuseen in isaga iyo Madaxweyne Biixi colaad
shakhsi ah ka dhexeyso wuxuu sheegay in ay fikirka siyaasiga ah uun ku kala
duwan yihiin laakiin, aanu cunfi kale jirin. Xafiiltankaas ayaa loo arka kan maanta
lagu duudsiyayo xaqa Xuseen Axmed Caydiid.
Source: Sayruuq
Hargeysa: Maxaa Muranka Geliyey Xildhibaanimada Xuseen Axmed Caydiid?
Siyaasiga Xuseen Axmed Caydiid oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee Waddani iyo wasiir ku xigeenka warfaafinta Maxamed Muuse Abees ayaa ku muransan kursiga golaha wakiillada ee uu banneeyay Alle ha u naxariistii Marxuum Ibraahin Kacaan oo dhawaan ge