Hargeysa: Shirkadda Daabacadda Ee Hema Books: Hirgeliyihii Hawsha Manhajka Wasaaradda waxbarashada Somaliland
Shirkadda Daabacadda Ee Hema Books: Hirgeliyihii Hawsha Manhajka Wasaaradda waxbarashada Somaliland yaa diyaarisay manjadka dugsiga hoose dhexe iyo sarreba oo ahaa kuwo aan hore u
diyaarsaneyn. Dedaal dheer oo wasaaradda waxbarashada Somaliland gashay waxay ku guuleysatay in ay ka faro-xalato
guud ahaan manhajka waxbarasho ee Somaliland oo ardaydu baahi wayn u qabeen.
Wasaaradda waxbarashada oo uu markaasi wasiir ka ahaa Cabdilaahi Ibraahin Habbane waxa loo baahday daabicista
manhajka ay diyaarisay wasaaraddu. Ugu danbeyntiina qeybaha kala duwan ee warbaahinta sida; Journalka ayaa lagu
xayeysiiyey in wasaaraddu u baahan tahay shirkad dalka laga leeyahay oo daabacda manhajkaasi. Waxaana qandaraaskaasi
daabacadda buuggaag ee manhajka ay diyaarisay wasaaraddu u tartamay 5 shirkaddood oo wax daabaca, ugu danbeyntii se
waxa ku guuleysatay shirkadda Hema Books.
2016-kii ayay ahayd markii shirkadda daabacadda ee Hema-books ay heshiis la gashay wasaaradda waxbarashada
Somaliland – heshiiskaasi oo ahaa in la daabaco buuggaag ku dhow hal milyan oo buug oo naqshadeysan oo markaasi
noqonaya manhajka Somaliland, kaddib markii ay ku guulestay qandaraaskaasi wasaaraddu soo bandhigtay.
Tan iyo intii Somaliland ay madaxbanaanideeda la soo noqtay ee la yagleelay dugsiyada waxbarashada Somaliland waxa
daabacadda manjahka ka caawin jiray shirkaddo shisheeye.
Dhawr jeer, gaar ahaan guyaalkii 2014ka iyo 2015ka oo ay Somaliland isku dayday in ay dib u habayn ku samayso
manhajkeed waxa xannibaad ku noqday ciddii dammaanad qaadi lahayd qarashka daabacaadda buugaagta. Markaa waxa
ay noqotay in la helo cid qiime jaban ku daabacda buugaagta, hadhawna la soo noqota qarashkii ka galay. Waxa ay noqotay
in laga tashado hannaankii looga wareegi lahaa qaadhaan-bixiyeyaasha caqabadda ku noqday himiladii horumarinta
manhajka Somaliland. Waxa loo baahday in la qaato go’aan adag oo caqabadaasi lagaga gudbo ugu danbeyntiina waxa
nasiib u yeelatay shirkadda Hema-books in ay sacabadda u dhigato dhammaan wixii loo baahan yahay.
Hema Books iyo wasaaraddu waxa ay isla qaateen in buugta dugsiga hoose lagu iibiyo $1.5, kuwa dugsiga sarena waxa loo
qoondeeyay $3. Sidaas awgeed waxa uu ardayga dugsiga hoose sannadkii ku iibsanayaa buugaagtooda $9, maadaama oo uu
qaadanayaan lix maaddo. Ka dugsiga sarena waxa sannadkii ugu badnaan ka baxaya $30, maadaama oo la barayo 10
maaddo. Ardaydu si wadar iyo keli ahba buugaagta way u iibsan karaan.
Waxa haddaba xusid mudan in shirkadda Hema-books ay suurtogelisay maalgelisay in manhajka Somaliland loo daabaco si
madax bannaan. Sidoo kale Hema-books ayaa noqotay shirkaddii koobaad ee si heersarre iyo tayoba leh in ay u daabacdo
manhajka Somaliland.
Ugu dambayntii waxa ay Hema-books ayaa noqotay shirkad kaallin iyo dedaal waynba ka gashay kor u qaadista
waxbarashada Somaliland gaar ahaan manhajka Somaliland.
Hargeysa: Shirkadda Daabacadda Ee Hema Books: Hirgeliyihii Hawsha Manhajka Wasaaradda waxbarashada Somaliland
Shirkadda Daabacadda Ee Hema Books: Hirgeliyihii Hawsha Manhajka Wasaaradda waxbarashada Somaliland